3/2/2025
Today from Hiiraan Online: ONLF accuses Ethi_
Wararka Maanta- Talaado, Jan 20, 2015
Boqollaal Ruux oo lagu Qabtay Baydhabo iyo Calanka Faransiiska oo la Gubay

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu qabtay kulan looga soo horjeedo afla-gaadadii wargeyska Charlie Hebdo ee dalka Farasiiska kasoo baxa uu u geystay Nabigeenna Maxamed (MMKH), waxaana kulanka ka hadlaly aqoonyahan-nada iyo waxgaradka Baydhabo.

Xubnahan hadlay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin sawirrada uu wargeyskan dhawaan soo bandhigay. Golaha aqoonyahannada gobollada Bay iyo Bakool ayaa ku baaqay in berri la sameeyo bannaanbax aad u wey oo lagu muujinayo sida looga xun yahay arrintaas iyo jacaylka Nebiga loo qabo.

Goobta uu kulanku ka dhacay aya lagu gubay calanka waddanka Faransiiska, iyagoo laga dareemayay caro-weyn oo ay u qabaan wargeyska oo ah mid ku caan-baxay afla-gaadeynta Nebiyada ALLE.

Xunihii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Aadan Qalinle, Cabdullaahi Shaleetay, Xaaji Maxamed Caddow iyo kuwo kale, kuwaasoo dhammaantood muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kartoonnadii lagu afla-gaadeeyay Nebigeenna Muxamed (NNKH).

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu qabqabtay dhallinyaro looga shakiyay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwaasoo tiradoodau ahayd 240 qof, laguna sameynayo baaritaanno dhaaraad ah.

Hiiraan Online, Baydhabo