Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo saakay Aroortii hore Weeraray Saldhig Ciidan
Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Saaka waaberigii hore ayay xoogag ka trisan Xarakada Al-shabaab waxay weerareen xero ay leeyahiin ciidamada dowladda duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Xerada la weeraray ayaa ku taalla halka loo yaqaanno Isku-darka oo 5-km u jirta degmada Baydhabo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray labadii dhinac.
Mar HOL ay ka wareysatay weerarkan iyo khasaarahiisa abaandulaha xerada Dhaayoow Maxamed Isaaq ayuu qiray inay kaga dhinteen dhankooda shan askari, ayna ka dhaawac-meen toddoba kale.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhinica Al-shabaab ay ka dileen toddoba ruux ayna ka dhaawaceen lix kale. Waxaana dhaawacyada askarta dowladda lasoo gaarsiiyay isla saakay isbitaalka magaalada Baydhabo.
Weerarkan ayaa imanaaya iyadoo saddex maalmood ka hor ay sidan oo kale Al-shabaab u weerartay saldhigga koowaad ee ciidamada xoogga oo ku taalla deegaanka Daynuunaay ee duleedka Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Ugu dambeyn, degmada Baydhabo ayaa waxaa aad looga hadal-hayaa maanta weerarka ay Al-shabaab ku qaaday saldhigga isku-darka ee ay ciidanka dowladda Somalia ku lahaayeen duleedka magaalada Baydhabo.
Hiiraan Online, Baydhabo