5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2015
Xildhibaanno iyo Dadweyne Todoba Milyan u Ururiyay Madarasadda HADADO


Axad, Janaayo 18, 2015 (HOL) — Toban ka mid ah mudanayaasha Soomaaliyeed ee ku jira dowlada Kenya, ayaa ka qeyb galay xaflada balaaran oo shalay ka dhacday xaafada Islii ee Soomaalida badan ay ka dagan yihiin magaalada Nairobi, taasoo lacag toddobo Milyan oo Kenya Shilling ah; loogu aruuriyay Madaraso lagu magacaabo HADADO ISLAMIC CENTER (HIC) oo ku taallo Galbeedka Magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari kenya.

Xaflada oo ay ka qeyb galeen dad weyne fara badan iyo mudanayaal, ayaa u jeedadeedu waxey aheyd sidii looga qeyb qaadan lahaa dhismaha iyo horumarinta Madaraso Islaami ah oo ku taallo deegaanka Hadado ee ismaamulka Wajeer.

Sh. Maxamed Nuur oo ku magac dheer Prof. Nuunoow kana ah maamulka Madarasadaas, ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Xaruntaas qaaraanka loo arruuriyay. Wuxuuna sheegay in Madarasadaas la dhisay 10 September 2012 uuna dhisay markii hore Sheekh Axmed Nuur balse ilaa iyo hada aanan si fiican loo dhameystirin.

Madarasada ayuu ku sheegay Prof. Nuunoow iney hada wax ka bartaan 106 (Boqol iyo Lix qof) oo kala ah 50 Gabdhood, 44 Wiil iyo waliba 12- Dumar waa weyn ah; ayadoona Madarasadu ay leedahay 4 Macalin oo kaliya.

Prof. Nuunoow, ayaa sidoo kale sheegay in Madarasadaas lagu barto Xifdinta Qur'aanka, Axaadiith-ta, Siirada, Towxiidka iyo Luuqada Carabiga, isagoona ka codsaday dadkii ka qeyb galay xafladaas iney ka qeyb qataan horumarinta Xaruntaas Islaamiga ah.

Dhanka kale, Mudanayaasha ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo waliba Aqalka Sare ee Senate-ka Kenya ee ka qeyb galay Madashaas, ayaa bixiyay lacag aad u tira badan.

Tobankii mudane ee xafladaas joogay, ayaa midkiiba waxa uu bixiyay lacag u dhaxeyso "100 ilaa 500" (Boqol kun ilaa Shan Boqol oo kun oo Kenya Shilling ah).

Aadan Bare Ducaale oo ah Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya, ayaa ka qeyb qaatay arruurinta lacagtaas, wuxuuna sidoo kale ka sheegay xafladaas inuu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato qaaraan kasto oo loo sameynaayo goobaha dadka diinta lagu baro, wuxuuna ku booriyay mudayaasha kale iney muhiimada kowaad siiyaan horumarinta xarumaha waxbarashada Islaamka.

Sidoo kale, Mudanayaashii kale ee xafladdaas goob-joogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanka laga soo doorta degmada Kamukunji ee Nairobi oo xafladdu ay ka dhacday Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaanka Wajeer, Cabdiraxmaan Cali Xasn (Coloow), Xildhibaanka laga soo doorto Galbeedka Wajeer oo ah goobta Madarasadaas ay ku taalo Abdikadir Ahmed Ore.

Xildhibaanka Baarlamaanka Kenya ka soo galay deegaanka Eldhaas oo ku taalo Galbeedka Wajeer- Adan Keynaan, oo sidoo kale ka tirsan Guddiga Difaaca iyo Xidhiidhka Dibadda ee Baarlamaanka Kenya.

Xildhibaanka laga soo doorto Koonfurta Wajeer Abdullahi Diiriye iyo mudanaha Baarlamaanka ka soo galo Bariga Magaalada Mandheera Abdulaziz Ali Farah.

Xildhibaanka laga soo doortay Bariga Wajeer Cabaas Sheekh Mohamed iyo Mudanaha qaabka magacoowga ah ku soo galay golaha Baarlamaanka ee lagu magacaabo Cabdi Nuur.

Aadan Bare Ducaale oo ah Xildhibaan baarlamaanka Kenya ka soo galay deegaanka Dhuujis ee ka tirsan ismaamulka Gaarisa, sidoo kalana ah Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya iyo Mudanaha kale ee ka tirsan Baarlamaanka kenya ka soo galay Bariga Wajeer ee lagu magacaabo Mohamed Ibrahim Elmi, horayna oga tirsanaa Wasiiradii dowladii hore ee Kenya.

Dhanka kale mudanayaal aanan ku sugneyn xaflada, ayaa iyaguna bixiyay lacago badan oo ay oga qeyb qateen tabarucaadaas; waxaana ka mid ahaa mudayaashaas Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenyatta  iyo waliba Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Sidoo kale Guddoomiyaha Mombasa Hassan Cali Joho, ayaa isagana qeyb ka bixiyay lacagtaas loo aruurinaayay madarasada Hadado.

Si kastaba ha ahaatee Lacag arruurintaas, ayaa waxey u muuqatay iney aheyd mid ay ka wada qeyb qateen inta badan Mudnaayaasha ku jiro dowlada Kenya ee Soomaalida ah, ayadoona Aadan Bare Ducaale oo Lacagtaas aruurinaayay uu ku adkeyay mudanayaashii kale ee xaflada joogay in ay bixiyaan lacag aanan ka yareyn Boqol kun oo Kenya Shilling ah, taasina ay keentay in mudnayaashu ay bixiyaan lacag aad u tiro badan.

Xarunta Islaamiga ah ee Hadado oo shalay loo arruuriyay lacagtaas badan, ayaa waxey dhanka galbeed ka xigtaa qiyaastii 52 meyl Magalaada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya