11/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 15, 2015
Jaamacadda Hormuud oo ay ka qalin-jabiyeen dufcadii 1-aad oo Injineerro ah


Khamiis, Janaayo 15, 2015 (HOL) — Munaasabad ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen maamulka Jaamacadda Hormuud, maamulka shirkada isgaarsiinta Hormuud, waaliddiin, ardayda Jaamacadda Hormuud iyo qaybaha bulshada, xafladdaas oo ay ku qalin-jabinayeen dufcadii koowaad arday ka baxay kuliyada Injineerinka qaybteeda Electric Engineering-ka.

Xafladd oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay muuqaallo ka turjumaya waxqabadka Jaamacadda Hormuud, iyadoo ay ka hadleen xubno ka tirsan maamulka jaamacadda oo faahfaahin ka bixiyay taariikhda iyo heerarka ay soo martay Jaamacada.

Gudoomiyaha guud ee Jaamacaddaas, Prof Jaylaani Cabdullaahi Cisman oo ayaa hamblayo u diray ardada qalin-jabisay, isagoo sheegay inay tahay mid aad loogu farxo inay si nabadgalyo ah ku dhameystaan waxbarashadoda.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ka hadashay ka mid ah guddoomiyaha shirkadda Hormuud oo u hambalyeeyay ardayda, isagoo xusay in maamulka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay mar walba diyaar u yahay in ardayda iyo qaybaha bulshada ay gacan siiso hormuudna u tahay tahay inay shacabkooda u fidiyaan gargaar.

Ugu dambeyn, ardaydii qalin-jabiyay ayaa waxaa shahaadooyin goobta ku guddoonsiiyay maamulka Jaamacadda iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud. Iyadoo macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda qaarkood dadaalka ay muujiyeen loo guddoonsiiyay shahaadooyin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya