FAAHFAAHIN: Dibad-bixii Rabshadaha watay ee ka dhacay Degmada Guriceel
Khamiis, Janaayo 01, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Guri-ceel, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa sheegay inay daggan tahay xaaladda degmada Guriceel ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia, kaddib mudaaharaad rabshado wata oo maanta ka dhacay.
Taar-dhuleed oo u warramayay VOA-da ayaa dibadbaxii maanta dhacay ku tilmaamay mid ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh, balse lagu howlan yahay sidii looga hortegi lahaa inuu mar kale degmada Guriceel ka dhaco.
“Mudaaharaadku wuxuu ahaa mid ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh oo aan waxba ogeyn, xaaladduna hadda way daggan tahay, sidii arrintan xal looga gaari lahaana waxaa ku jira odayaal, balse weli natiijo lagama gaarin,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha degmada Guriceel.
Sidoo kale, guddoomiyaha Guriceel oo la weydiiyay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dibadbaxa ayaa sheegay inay laba qof ku dhinteen, toddoba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daweynayo gudaha Guri-ceel.
Taar-dhuleed ayaa waxaa kaloo la weydiiyay in sababta ay dadka dibadbaxa u sameeyeen ay tahay iyagoo ka cabanayay amni-darro Guri-ceel ku soo korortay, isagoo xusay inaysan ammaan-darro ka jirin degmada oo ay xaaladda amni aad u wanaagsan tahay.
“Deegaanka nabad-galyo waa ka jirtaa… kuwa sheegaya inaysan amni aysan ahaynna waa kuwo doonaya inay rayi qaldan u gudbiyaan caalamka, balse waxaan leeyahay amni ayaa ka jira degmada. Dibadbaxii maantana wuxuu ahaa mid qaldan oo la doonayo in amniga degmada si kale loo fasiro,” ayuu ku daray hadalkiisa guddoomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.
Ugu dambeyn, Cismaan Taardhuleed wuxuu sheegay in ciidamada degmada ku sugan ay yihiin kuwii horay u joogay oo aysan dowladdu keeni ciidammo kale oo ay Muqdisho ka keentay, iyaga ayaana amniga sugaya.
Si kastaba ha ahaatee, dadkii mudaaharaadka maanta ka qaybgalay ayaa sheegay in sababta ay dibadbaxan u dhigeen ay tahay kaddib markii isbaarooyin ay ciidamada dowladda ee ku sugan Guri-ceel ay u dhigteen shacabka degmada iyo dhac ay mararka qaarkood geystaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya