Suldaan cusub oo lagu caleemo-saaray gobolka Bari ee Puntland (SAWIRRO)
Talaado,
Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Deegaanka Qaw oo ka tirsan gobalka Bari ee
P/L ayaa waxaa lagu caleemo-saaray Suldaan cusub, kaasoo hoggaamin doona
beel ka mid ah kuwa daga deegaanno ka tirsan gobolka Bari.
Suldaankan
la caleemo saaray oo lagu magacaabo, Ciise Maxamad Ciise ayaa horay uga
mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed, iyadoo xafladda caleemo-saarkiisa ay
ka qaybgaleen waxgarad, nabaddoonno, siyaasiyiin, culummo, dhallinyaro,
haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasbadda
ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay wax-garadkii ka qaybgalay
munaasabadda, iyadoo hadalladoodu ay u badnaayeen waano iyo dar-daaran
ay u jeedinayaan suldaanka la caleemo-saaray.
Ugaas
Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ahaa xubnihii hadlay ayaa sheegay in ay
soo dhaweynayaan caleemo-saarka suldaanka, Ciise Maxamed, wuxuuna Alle
uga baryay inuu u fududeeyo xilka loo ig-maday.
Guddoomiyaha
gobalka Bari, C/samad Maxaxmad Gallan iyo duqa degmada Boosaaso, Xasan
C/lla Xasan oo iyana ka hadlay caleemo-saarka ayaa xusay in ka maamul
ahaan ay soo dhaweynayaan suldaanka beesha Wabeeneeye; ayna la shqeyn
doonaan.
Ugu
dambeyn, Suldaan Ciise Maxamad Ciise oo xafladda ka hadlay ayaa ka
ballanqaaday in shareecada Islaamka ku dhaqmi doono, bulshada uu ku
maamuli doono cadaalad iyo sinnaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya