10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2015
Bandhig fanneed weyn oo lagu Qabtay Magaalada Beledwyene ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Arbaco, December 09, 2015 (HOL) — Bandhig fanneed ay u soo daawasho tageen shacab boqolaal gaaraya oo ka kala yimid xaafadaha degmada Beledweyne ayaa ka dhacay Hoolka shirarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Fannaaniin ka tirsan kooxda Qeylo-dhaab oo uu hoggaaminayay fanaanka Soomaaliyeed ee C/raxmaan Gaas ayaa u soo bandhigay Dadweynihii kala duwanaa ee u soo daawasho tagay bandhigg heeso isugu jiray Jeceyl iyo Wadani, oo siweyn ugu riyaaqeen dadweynihii daawanayay.

Maryan Maxamed Cabdul oo ah marwada guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo fannaaniinta ku marti-qaaday Baladwyne, isla markaana soo qaban-qaabisay bandhig fan-needka ayaa HOL u sheegtay in ujeedada laga leeyahay tahay siddii loo dhiiri-galin lahaa ammniga ka jira magaalada Beledweyne, oo bilihii ugu danbeeyay soo hagaagayay.

Qaar ka mid ah dadweynihii ka qeyb-galay bandhig fanneedka ayaa HOL u sheegay inay si weyn ugu riyaaqeen qaabka uu u dhacay bandhiga, waxayna uga mahad celiyeen marwada guddoomiyaha qaban-qaabada bandhiga oo ah mid wax weyn ka tarraya is-dhax-galka bulshada, madaama ay madasha ku wadda kulmeen dadweyne ka kala yimid xaafaddaha ay magaalada ka kooban tahay.

Ugu dambeyn, Fannaanka C/raxmaan Gaas ayaa uga mahad-celiyay guud ahaa dadka ku nool magaalada Beledweyne soo dhaweynta ay u fidiyeen, isagaoo ku daray intaas in marar kale oo badan siddan oo kale bandhig fanneed ku qaban doonaan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya