10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2015
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in Somalia aysan ahayn Waddan Guul-darreystay (SAWIRO)


Sabti, December 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Somalia aysan ahayn dal guul-darreystay, xilliganna uu dalku ku howlan yahay sidii uu uga soo kaban lahaa dagaalladii muddada fog ka socday.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay xaflad sagootin ahayd oo 23-kii bishan loogu qabtay magaalada Muqdisho ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas kay, xafladdaasoo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ uu shahaado sharaf ku guuddoonsiiyay danjire Kay.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay danjire Nicholas Kay kaalintii uu ka qaatay xasilinta dhanka siyaasadda ee Somalia. Isagoo intaas ku daray in muddadii labada sano iyo barka ahayd ee uu xafiiska joogay uu wax badan ka qabtay arrimaha dalka Somalia.

“Waxaan ku bogaadinayaa danjire Nicholas Kay sida geesnimada lahayd ee uu u qabtay howshii uu wakiilka uga ahaa Qaramada Midoobay, intii uu joogay howl wanaagsan ayuu qabtay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, danjire Kay oo isaguna hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, AMISOM iyo siyaasiyiinta ka howlgala Somalia oo uu sheegay inay gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada Somalia.

“Somalia way soo laabanaysaa… Somalia haatan kuma waddadii madoobayd ee ay horay ugu taagnayd. Waxaana ka socda dib u dhis, waxayna dib cagaheeda isugu soo taagaysaa mar kale,” ayuu yiri danjire Kay.

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xilliyadii colaadaha ayna ku socoto waddadii horumarka iyo dib u dhiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya