SAWIRRO: Munaasabad lagu Xusay Dhalashadii Nebigeena NNKH oo lagu Qabtay Beledweyne
Khamiis, December 24, 2015 (HOL) — Maanta oo Khamiis ah ayaa munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay dhalashada Nebi Muxamed NNKH, waxaa ay ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Munaasabada oo ahayd mid si weyn u soo jiidatay indhaha bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne, ayeey ka qeyb-galayaasha iyaga oo si Qurux badan u soo labistay socod ku mareen bartamaha magaalada, xili ay ku dhawaaqayeen qasiidooyin kala duwan oo ay ku amaanayaan Nabbi NNKH.
Culummadii ka qeyb-gashay munaasabada ayaa dadka u jeediyay khudbado dhamaantood xambaarsanaa taariikhda Nabbigeena Max'ed NNKH, iyaga oo ku booriyay bulshada in ay mar walba maskaxda ku hayaan munaasabadan oo kale oo sidda ay culimada sheegeen ah kuwa diini ah oo loo baahan yahay in la weyneeyo.
Ugu dambeyn, Ka qayb-gallyaashii xuska ayaa waxaa ka mid ahaa dhallinyaro aad u da'yar oo si qurux badan u soo labistay, kuwaasoo aad moodo in si gaar ah loogu carbiyay maanta oo kale in ay soo bandhigaan dareenkooda, la xiriira jeceylka Nebi Muxamed NNKH.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya