10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2015
Qarax Culus oo Goor-dhow ka dhacay Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama - Muqdisho


Sabti, December 19, 2015 (HOL) — Qarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay gaari waddada dhinaceeda la dhigay, iyadoo wararku intaas ku darayaa inay jiraan dad badan oo rayid ah ay waxyeello kazoo gaartay qaraxaan.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa sheegay inay arkeen dhaawacyada dad illaa lix ruux ah oo dhaawacyo kala duwan qaba, dadkii goobta ku sugnaana ay kala yaaceen, wax badanna aan la ogaan karin khasaaraha  uu dhaliyay qaraxan, maadaama uu goor-dhow dhacay.

Meesha uu qaraxan ka dhacay oo ku dhow Shineemo Soomaaliya oo waddadaas ku taalla, inkastoo aan la ogeyn cidda lala beegsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo waddada oo dhan xiray.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Maka Al-Mukarama qaraxa uu ku dhintay sarkaal hay’ada nabad-sugidda Qaranka Somalia; kaasoo ahaa mid loogu xiray gaarigiisa.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Qaraxan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogoalado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya