10/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2015
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Somalia oo lagu dilay xaafadda Howl-wadaag ee Baladweyne


Arbaco, December 16, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Muumin [Cirbo-dheere] ayaa lagu dilay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa xubno ka tirsanaa dowladda iyo waxgarad saakay waan-waan u tagay xaafadda Howl-wadaag, ayaa la sheegay inuu toogtay mid ka mid ah maleeshiyaadka halkaa ku dagaalamaya.

Sarkaalka ayaa u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray, waana sarkaalkii ugu horreeyay ee lagu dilo dagaalladii ugu danbeeyay ee maalmahan ka dhacayay xaafadda Howl-wadaag.

Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guuleed ayaa ilaa xalay kulammo kala duwan lahaa odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka beelaha kala duwan, gaar ahaan dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ayaa saakay tagay aagaga ay ku dagaallameen maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya