12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2015
Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa si weyn u soo dhaweeyey Meel-marinta Sharciga Iibka Qaranka


Isniin, December 14, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyada xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibrahim [Farkeeti] ayaa soo dhaweeyay ansixinta sharciga iibka Qaranka oo golaha baarlamaanku anxisyeen sabtidii hore, wuxuuna ku tilmaamay wasiirku tallaabo horumar u keenaysa daah-furnaa iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka.

“Ansixinta sharciga iibka Qaranka waxaan sugaynay muddo dheer, waana qayb ka mid ah guulaha la gaaray sannadkaan. Sharcigan isagoo aan goluhu Ansixin kuna jira akhrintiisii koowaad iyo tiisii labaad ayaan billownay ku dhaqankiisa qaybo ka mid ah, waxaa xusid mudan in qandaraasyada la bixiyay sanadkan ay dhamaantood mareen (Procurement), taas oo muujinaysa in la gaaray xilligii aan ku dhaqmi lahayn cadaaladda dhanka qandarsayada. Qandaraasyadaas aanu bixinay qaarkood waxaa ku guulaystay iyadoo cidna aysan riixayn ama aysan taageero u fidinaynin shirkado shisheeye oo kusoo baxay aqoontooda iyo khib-radooda shaqo,” ayuu yiri wasiir Farkeeti.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradu ay howl-galisay waax gooni ah oo ka shaqaysay iibka Qaranka, taasoo in muddo ah loo tababarayay shaqaale iyo qalabayn xafiis, waxaana gacan weyn ka gaystay khubaro ka socoda Bangiga Adduunka, kuwaasoo kala shaqaysay wasaaradda sidii waaxdaas u hawl-gali lahaa. Wasiirka ayaa intaa ku daray inay billaabayaan wacyi-galin ku wajan iibka Qaranka si shacabka Soomaaliyeed loo baro ahmiyad uu sharcigaan dalka u leeyahay.

“Waxaa ALLE mahaddiis ah in maanta wasaaraddu wixii qalab lagu soo gadayo, ama wax lagu dhisayo ama shaqooyin kale oo daruuri ah lagu qabanayo loo soo bandhigo shacabka, taas oo meesha ka saartay nin jeclaysigii iyo eexdii. Waxaa kale oo maanta guul ah in gabi ahaan shirkadaha xariirka la leh hay’adaha kala duwan ee xukuumadda ay si toos ah ula macaamilaan Wasaaradda Maaliyadda marka ay timaado lacag bixinta” ayuu yir mar kale wasiir Farkeeti.

Dhanka kale, wasiirka maaliyada ayaa dhanka kale sheegay in wasaarada oo adeegsanaysa aqoonteeda shaqo iyo khubarada la shaqaysa ay diyaar u tahay ka qayb-galkka dhisidda waaxyaha Iibka Qaranka (Procurement) ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, si wixii la soo gadayo iyo wixii la sii gadayo intaba ay maraan hannaan ku dhisan daah-furnaan iyo isla xisaabtan.

* Fa’iidoyinka sharcigaan u leeyahay dalka waxaa ka mid ah:
* Kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iibsiga iyo helitaanka qiimaha ugu wanaagsan ee dadweynaha wax looga soo gadan karo.
*
Dhiirri-gelinta horumarinta dhaqaalaha dalka;
*
Kor u qaadidda sharafta, cadaaladda, la xisaabtanka iyo kalsoonida  shacabka ee wax ku soo iibsiga;
*
In la gaaro nidaam ay ku dheehan tahay daah furnaan iyo go'aanada la xiriira heshiisyada iibsiga iyo lacag dhimista.
*
Fur-furida iibsiga dadweynaha iyo wax soo iibsashada hay'adaha dowladda;
*
Ciribtirka in cid gooni ah ay xirato qaabka wax soo iibinta iyo kor u qaadida tartan ku dhisan habka lacag dhimista iibsigu.

Ugu dambeyn, sharcigan ayaa dalka ugu danbaysay 26-sano ka hor, wuxuuna wax weyn ku soo kordhinayaa dib u dhiska dalka iyo kalsoonida deeq bixiyaasha caalamka, wuxuuna meesha ka saarayaa dhaqankii ku salaysnaa nin jeclaysiga iyo eexda marka ay timaado in wax la dhiso, waxa la soo gado ama dowladu iska iibiso wax aysan u baahnayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya