BALADWEYNE: Arday bartay cilmiga Saxaafada oo Shahaadooyin la Guddoonsiiyay (SAWIRRO)
Sabti, Ogoosto 22, 2015 (HOL) — Munaasabada siweyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta dugsiga Somalia Central Institute ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa shahaado lagu guddoonsiiyay arday dhameystay Barashada Cilmiga Saxaafadda.
Maamulaha Dugsiga Somalia Central Institute, Maxamed Axmed Cabdi ayaa Xafladda ka sheegay in Arday maanta ka Qalin-jabisay dugsiga ee baratay cilmiga saxaafadda ay yihiin tiro ahaan Tiradoodu gaarayaan Toddobo Arday, kuwaasoo muddo labo bil ah Dhiganayay maadadan barashada Cilmiga Saxaafadda, isaga oo kula Dar-daaramay in ay Bulshada uga faa'ideeyaan wixii ay barteen.
“Maanta halkan waxaa ku qalin- jabinaya arday dhameysatay barashada cilmiga saxaafada, waxaa ay gaarayaan toddobo araday, muddo labo Bil ayay barayanayeen maadadan, marka waxaan leehay hamblayo waxaa laga rabaa inay bulshada ugu adeegaan aqoontooda," ayuu yiri maamulaha.
Qaar ka mid ah Ardayda ka Qalin-jabisay Dugsiga ee dhameysatay cilmiga saxaafada ayaa HOL u sheegay in ay ku faraxsan yihiin in iyaga oo aan meel kale u safrin helaan fursad ay Wax badan uga Ogaadaan Cilmiga Saxaafadda, Waxaana ay intaas ku dareen inay Hadda Awoodaan ku shaqeynta xirfada warbaahinta.
Ardaydaan Maanta ka Qalin-jabiyay Iskuulka Somalia Central Institute ayaa Noqonaysa dufcadii ugu horeysay ee ka qalin jabisay dugsiga tan iyo markii la Aas Aasay Sannadkii 2014-kii.
C/raxmaaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya