1/4/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2015
Somali Qoxootinimo ku galay dalka Mareykanka oo Shaqooyin ka Billaabay Beeraha (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 18, 2015 (HOL) — Soomaali Qoxootinimada ku galay Mareykanka ayaa Billaabay inay ka Shaqeeyaan Beeraha ku yaalla Gobolka Maine, iyadoo Beeraha Xilligan ay ka baxayaan geed miroodyo ay ka mid yihiin; haruur ama masago, galley iyo canab.

Rag iyo Haween Soomaaliyeed oo ka mid ah Qoxootiga Soomaaliyeed ee colaadihii dalka ka dillaacay ka cararay 1991-kii oo Asal ahaan kasoo jeeda Qowmiyada Bantuuga ayaa ka shaqo billaabay Beeraha ku yaalla Gobolka Maine.

Gamana Yarow oo ah Hooyo 27-jir ah oo dhashay Afar Carruur ah ayaa ka mid ah Dadka Soomaliyeed ee Beeraha ka shaqeeya ayaa tiri. “Beeraha Waan Jeclaa Markii aan joogay Afrika.” Iyadoo Beeraha ay ka baxayeen Xilligaas, Bataati, Basal Nooca Guduudan ah iyo Haruur ama Masago, Waxayna intaas ku dartay. “Khudraddan waa mid aan jecelahay.”

Yarow ayaa ka mid ah 33 ruux oo ka Shaqeeya Beeraha, iyadoo Milkiilayaasha Beeraha ay ka Shaqeeyaan iska leh ee Jan iyo Carl ayaa Sheegay in ay Hadda Beeraan 1881 Hektar oo dhul-beereed ah, kuwaasoo ay kasoo go’aan miro fara baan, kuwaas oo sababay in aan dib ugu laabtaan Suuqyada ganacsiga miaraha.

“Waxaan u maleynayaa in tani ay qof walba guul u tahay,” ayuu yiri Jan Wilcox oo intaas ku daray. “Beeraha waa kuwa ugu wax-soo-saarka wanaagsan dalkan Mareykanka.” isagoo intaas ku darya in Beeraleydu aysan ka shaqeeyn beeraha Maalintii oo dhan, balse Saacada Qaarkood ay u Sarfaan Magaalada. Shaqadooduna ay tahay mid hiwaayad salka ku haysa.

“Waxaan helnay beerahan, kuwaasoo ay wax walba ka baaxan,” ayuu sheegay Muxyadiin Libaax oo ah madaxa bulshada Soomaalida Bantu-ga ee ku dhaqan Magaalada Lewiston. Isagoo intaas ku daray. “Tani waa dhaxal dhaqan. Tani waa qayb ka mid ah nolosheenna.”

Magaalada Lewiston ayaa waxay ka mid tahay illaa boqol magaalo oo ka mid ah 35 Gobol oo ay ku nool yihiin Qoxootiga Soomaaliyeed ee tagay Mareykanka. Iyadoo Soomaalida ku nool magaalada Lewiston ayaa tiradooda lagu qiyaasaa in ay Gaarayaan 4,000 - 5,000 oo Qof oo Soomaali ah.  

Gamana Yarow oo ka Hadlaysay Amniga ay ku Qabaan Gobolka Maine ayaa tiri. “Maine waa meesha ugu Wanaagsan dhinaca Nabadda ee aan ku ku Kalsoonahay intii aan noolaa.” Waxayna intaas ku dartay. “Anigu Waxaan Aaminsan-nahay in Gobollada kale ee Dalka Mareykanka Aadan si Nabad ah ugu socon Karin. Halkan, Waxaad Socon kartaa intii aad doonto, Xitaa 1:00 habeenimo wax dhibaato ah lama kulmeysid.”

Dhanka kale, Kaltuumo Cadoow oo ah haweeney 40-jir ah oo abbaheed iyo wiil ahaayeen lagu dilay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, sidoo kalena adkeerkeedna lagu gubay ayaa tiri. “Waxaan waaya wax walba oo aan haystay.”

Kaltuumo oo ka mid ah Beeraleyda Soomaaliyeed ee ka Shaqeeya beeraha Gobolka Maine ayaa Sheegtay iyadoo Qoslaysa inay ku Faraxsan tahay inay ka shaqeyso goob beeraley ah, maadaama ay Qoyskoodu ahaayeen beeraleyd.

Ugu dambeyn, Soomaali badan ayaa ka shaqeeya Beeraha Mareykanka ku yaalla, waxaana Sidoo kale jira Soomaali iskood u leh Beero, Kuwaasoo ku yaalla Qaar ka mid ah Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya