10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 15, 2015
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku Ridday Shan Qof oo Eedeysanayaal ahaa


Sabti, Ogoosto 15, 2015 (HOL) —Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta Xukunno isugu jira Dil Toogasho iyo Xabsi ku ridday eedeysanayaal lagu helay in ay Geysteen dilal iyo kufsi, iyadoo dib loo dhigay maxkamadeynta labo qof oo ka mid ahaa eedeysanayaashii Maanta Maxkamadda lasoo taagay.

Eedeysanayaasha Maxkamaddu ay maanta u fariisatay kufsi iyo dilal ayaa ahaa todoba qof oo mid ay ahayd haweeney, iyadoo inta badan eedeysanayaasha ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Xeer-ilaaliye ku xigeenka Qaranka Somalia, Maxamed Xasan Nuur oo soo oogay kiisaska ay maanta dhageysigooda u fariisatay ayaa qof  walba eedaha loo jeediyay soo bandhigay, iyadoo Qareenadii u Doodayay Eedeysanayaashanna ay Maxkamada horteeda ku difaaceen eedeysanayaasha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukuno xabsi & dil ah ayaa lagu riday shan eedeyasnayaasha ka mid ah, iyadoo dib loo dhigay Maxakamadeynta labada ruux ee kale.

Eedeysanayaasha xukunada lagu riday ayaa waxaa ka mid ahaa; Abuukar Cabdi Axmed oo ku eedeysnaa inuu dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray, Xasan Cismaan Axmed; waxaana maxkamaddu ku ridday xukun toogasho ah.

Qaasim Ciiley Cabdi oo isna ku eedeysnaa inuu kufsaday wiil afar jir ah ayaa lagu 10-sano oo xabsi ah iyo 10-Milyan oo Ganaax ah lagu riday. C/raxmaan Nuuraani Maxamed oo ku eedeysan inuu kufsi u geystay Gabar aan Qaan-gaarin ayaa lagu xukumay 15-sano oo xarig ah iyo 8,000 oo Doollar oo Ganaax ah, Aweys C/nuur Ibraahim oo isna ku eedeysanaa inuu dilay Marxuumad Nimco Cabdi Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay toogasho, halka Maxamed C/llaahi Cabdi oo ku eedeysanaa in gaari uu waday uu ku geeriyooday Marxuum lagu magacaabi jiray Cali Abshir Cali, xilli gaari uu u rarnaa si taxadar la’aan ah iyadoo ay Maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xabsi ah iyo Diyada Marxuumkii Geeriyooday oo ah 100-halaad oo Geel ah.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Waxay dib u dhigtay Dacwadihii loo haystay Maxamed Cali Maxamuud iyo Ruuxa kale ee Haweeneya ah oo ka mid ahaa dadkii lasoo eedeeyay ee Maanta la horkeenay Maxkamadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya