10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2015
Khasaaraha weerarkii Jaamacada Gaarisa oo kordhay iyo Howlgalka oo Socdo


Khamiis, Abriil 02, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 19-qof oo la sheegay in laba ka mid ah ay yihiin xoogaggii Al-shabaab ayaa ku dhintay weerarkii Jaamcadda Gaarisa ee dalka Kenya, iyadoo dhaawucuna uu marayo 75-qof, sida ay sheegeen qaar ka mid ah mas’auuliyiinta dalka Kenya.

Xoogaggii Al-shabaab ee weeraray Jaamacadda ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin gudaha Jaamacadda Gaarisa; ahalkaasoo ay weli ku xayiran yihiin 533 arday oo ka mid ah ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranayay, iyadoo illaa hadda la badbaadiyay 282 arday.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, iyadoo xukuumadda Kenya ay geysay halkaas ciidammo wata kaarayaal iyo gaadiidka kale ee gaashaaman.

DAAWO: Weerarkii Jaamacadda Gaarisa iyo Howlgalka Ciidamada Kenya 
“Howlgalka waxaan ku qaarijinnay laba ka mid ah xoogaggii weeraray Jaamacadda welina waxaa gudaha ku sugan qaar ka mid ah kooxihii weerarka qaaday,” ayuu yiri Nkaissery oo warbaahinta kula hadlayay Gaarisa.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay goor-dhow howlgalka soo gaba-gabeyn doonaan, isagoo intaas ku daray in dhaawacyadii cuslaa loo qaaday isbitaallada magaalada Nairobi.

Ugu dambeyn weerarka ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana tirada ardayda wax ka baranayay Jaamacada Gaarisa lagu sheegay 815, ayna ku jireen 60-shaqaalihii jaamacadda ah oo qaarkood weli la haysato.

Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa noqonaya kii ugu mudada dheeraa ee ay Al-shabaab ka geysato gudaha Kenya tan iyo weerarkii Westgate Mall oo ay kooxdu weerartay bishii September ee sannadkii 2013-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya