SAWIRRO: Wadooyinka Baydhabo oo la dhisayo iyo Xildhibaannada Maamulka oo lasoo Xulayo
Talaado, September 08, 2015 (HOL) — Maamulka Gobolka Bay iyo kan Baydhabo ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan inay ku dhisaan waddooyinka burbursan ee Degmada Baydhabo ku yaalla, iyadoo waddooyinka degmadu ay yihiin kuwo si aad ah u burbursan.
Guddoomiyaha Gobalka Bay, C/rashiid C/llaahi iyo kan Baydhabo C/llaahi Mad Watiin oo ay Wehliyaan Mas’uuliyinta Hay’adda DDG ayaa soo Qiimeeyay Waddooyinka burbursan ee mara Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, Maamulka Cusub ayaa ballan-qaadey inay Waddooyinka dhisayaan; iyagoo la Kaashan Doona Hay’adaha ku sugan Baydhabo, Waxayna Mas’uuliyiintu intaas ku dareen inay wadaan Qorshooyin lagu horumarinayo Muuqaalka Guud ee Degmada.
C/llaahi Mad Watiin oo ah Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa sheegay inay muddo yar ay Xilka hayaan ayna Qabteen Hawlo Fara badan oo Dhinaca Horumarinta Degmada Baydhabo iyo Tuulooyinka hoos-yimaada ah. Wuxuuna intaa ku daray inay Howlahaas ka mid yihiin; Nadaafada, Waxbarashada & sameynta goobo Caafimaad oo ay hadda bixiyeen Qandaraasyo Quseeyo dib u dhiskaas.
Ugu dambeyn, Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka socda xulista xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Seddexda Gobol, iyadoo hadda ay ku gudi jiraan Golaha Malaaqayada iyo Ugaasyada Koonfur Galbeed siday u soo xuli lahaayeen xildhibaano rasmi ah oo meteli doona Gobollada Shabeelada Hoose, Bakool iyo Bay.
Hiiraan Online, Baydhabo