Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia iyo Kuwa Al-shabaab ku Dhexmaray Gobolka Gedo
Sabti, September 05, 2015 (HOL) — Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay Deegaanka Takar oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo khasaare dhimasho iyo dhawac isugu jirta kasoo gaareen dhinacyada dagaallamaya.
Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay Weerar ku Qaadeen Deegaankaas oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliyo, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal Saacado badan Socday.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa haddana waxay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaas inay ku dhinteen dagaalkaas shan ruux oo dhinacyadii hardamyay ka mid ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in xaaladda deegaankii dagaalku ka dhacay ay hadda tahay mid deggen, iyadoo ciidamada dowladda Somalia ay ka wadaan deegaankaas dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerarro ku qaaday deegaannada ay Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobolka Gedo, kuwasaoo ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya