4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
SAWIRO: Waxbarashada Kenya oo billaabanaysa iyo Booliiska Nairobi oo Maanta Xir-xiray Arday


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka Dalka Kenya oo maanta dhageysatay dacwadda Guddiga Macallimiinta Kenya ee TSC, taasoo la Xiriirtay Mushaar kordhinta Macallimiinta dalka Kenya, ayaa sheegtay in dib loogu dhigay dacwadda.

Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka ayaa la Filayaa inay Dhageystaan dacwaddan 29-ka September, Markaasoo ay Go’aan ka gaari doonaan, iyagoo fasaxay inay macallimiintu billaabaan Waxbarashada Iskuullada Kenya oo muddo dhowr toddobaad ah aanay ardaydu tegin.

Sidoo kale, Ururka Macallimiinta Dalka Kenya ee Knut ayaa sheegay inay Aqbaleen dib u Dhigidda Dacwadda la xiriirta Mushaar kordhinta Macallimiinta, iyagoo ku sheegay hadal ay soo saareen inay Aqbalayaan go’aanka Maxkamada Maanta ka soo baxay.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii guddiga TSC ay ku guul-darreysteen inay gudbiyaan Qorshe ay uga Hor-tagaan Go’aanka Xiriirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dalka Kenya, taasoo ku Saabsan in Macallimiinta Kenya loo kordhiyo Mushaaraadka.

Ururka Knut ayaa dalbaday Maxkamadda inaysan dhageysan doodda Ururka TSC oo ay ku eedeeyeen inay ku guul-darreysteen amarkii Maxkamadda Kenya ee ahaa in ay 50% - 60% kordhiyaan Mushaaraadka Macallimiinta Kenya.

Dhanka kale, Ciidamada Booliiska Kenya ayaa Maanta Xir-xiray ugu yaraan 10 ka mid ah Ardayda Wax-ka-barta Jaamacadda Nairobi, kaddib markii boqolaal ka mid ah ay rabshado sameeyeen maanta.

Ardayda iyo Ciidamada Booliiska Kenya ayaa waxay ku dagaalameen Waddada Hor-marta Jaamacadda, iyadoo Ardaydu ay Dalbanayeen in Guddiga Waxbarashada Sare ee Kenya ay u soo Gudbiyaan lacagaha Daynta ah ee Wax-looga-barto Jaamacadda Magaalada Nairobi.

Taliyaha Booliiska Magaalada Nairobi, Paul Wanjama ayaa Saxaafadda u sheegay in lasoo taagi doono Maxkamad Ardayda ay Qab-qabteen, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay hormuud u ahaayeen dibadbaxyo sharci-darro ah iyo inay burburiyeen Hantida Qaranka.

“Waxay burburiyeen nalal dhawaan la geliyay wadada Jaamacadda Nairobi aada, waxaana kusoo oogi doonnaa Dacwad la Xiriirta Hantida ay Burburiyeen,” ayuu Paul Wanjama mar kale yiri.

Ugu dambeyn, Taliyuhu wuxuu xusay in Ciidanka booliisku ay adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeysiiya, kaddib markii Ardaydu ay dab ku shideen Waddada, taasoo sabab u noqotay in gaadiidku ay isticmaali waayaan waddada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya