4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
XISBIGA KULAN: Qaraxii Muqdisho Waxaa ku dhintay Xubin ka mid ah Aasaasayaashii Xisbiga

http://www.hiiraan.ca/images/2015/july/Xsibiga_Kulan_Hambalyo_Galmudug.jpg
Talaado, September 22, 2015 (HOL) — War-saxaafadeed Maanta uu Xisbiga Kulan kasoo saaray Muqdisho ayaa lagu sheegay in xubin ka mid ah Aasaasayaashii xibigan uu ku jiray dadkii ku naf-waayay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho.

“Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay lala beegsaday illinka hore ee xarunta Madaxtooyada Somalia oo galaaftay in ka badan 11 ruux oo ay ku jireen Somali iyo Polish, Waxaa ka mid ahaa Marxuum C/qaadir Gabeyre Faarax oo ka mid ahaa Aasaasyaasha Xisbiga Kulan, isla markaana Xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee xisbiga,” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka Xisbiga Kulan.

Sidoo kale, Xisbiga Kulan ayaa u Tacsiyeynayay Qoysaskii, ehelladii iyo xubnaha Xisbiga Kulan, kuwaasoo ay ka geeriyoodeen shaqsiyaad Qiimo badan, waxanan u rejeynaynaa baa lagu yiri war-saxaafadeedka in intii ku dhaawacantay uu Alle siiyo Caaafimaad dhaqso ah. 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) ayaa si Adag u Cambaareeyay weerarkan, isagoo yiri. “Maanta waa maalin mugdi ah oo lama iloobaan u ah Dadka Soomaaliyeed iyo Xisbiga Kulan oo Waayay Marxuum C/qaadir Gabeyre oo ka mid ahaa aasaasayaasha xisbiga ahaana Aqoonyahan u dhaqdhaqaaqa Arrimaha Bulshada.”

C/qaadir Barnaamij ayaa intaa ku daray. “Marxuum C/qaadir Gabeyre wuxuu ku dhashay, Magaalada Burco 26/06/1955-kii, Wuxuuna ka baxay Jaamacadda Um-durmaan ee dalka Suudaan, Wuxuuna kasoo Shaqeeyay Dalalka Kuwait, Yaman iyo Dalka Poland oo uu ku noolaa 25-kii sano ee u dabeeyay. Isagoo xilligan waday Mashaariic Horumarineed oo laga fulinayo Soomaaliya, kamana go’i doono Qalbigeenna.”

Ugu dambeyn, Marxuum Gabeyre ayaa ka mid ahaa Dadkii Xalay ku Geeriyooday Qaraxii ka dhacay Albaabka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya laga galo, kaasoo Al-shabaab ay sheegtay, Wuxuuna marxuumku ka shaqeynayay Xilligaan sidii ay kuwo shaqeeya u noqon lahaayeen Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya