4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
AMISOM oo Cambaareysay Qaraxii Muqdisho iyo Waxyeello kasoo gaartay Ilaaladii Nicholas Kay

/images/gallery/201586635744658278509683Sidikou_Naitobi_Shir_jaraaid%20(1).jpg
Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Taliska Guud ee AMISOM ayaa maanta ka hadlay Qaraxii ay Al-shabaab la beegsatay Xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo Weerarkaas ay Waxyeello kasoo Gaartay ilaalada la socotay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay.

Mid ka mid ah ilaaladii la socotay danjire Nicholas Kay ayaa ku dhintay Qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen Sagaal kale; Waxaana Xilliga uu Weerarkani dhacayay uu kasoo baxayay Danjire Kay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Nicholas Kay ayaa ku sheegay Weerarkani uu ahaa mid horumarka ay Somalia ku Tallaabsatay lagu diiddan yahay, isagoo aan ka hadlin Khasaaraha kasoo gaaray ilaaladii la socotay Weerarkan Qaraxa ah.

Sidoo kale, Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou ayaa isna ku Tilmaamay Weerarkaas isku day quus ah oo ay Al-shabaab ku doonayso inay ku caraqaladeyso dadallada nabadeed ee Somalia ka socda.

“Weerarkaan Foosha xun nama Cabsi-gelinayo, Nagama niyad-jabin doono Horumarka ka socda Soomaaliya. Waxaana Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku Ammaanayaa sida deg-degga ah ee ay uga hortegeen Weerarkaas,” ayuu yiri Danjire Maman S. Sidikou.

Ugu dambeyn, Sidikou ayaa dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay dhismaha Golaha Wada-tashiga Qaran ee ka shaqeyn doona sidii loo qaabeyn lahaa doorasho dalka ka dhacda iyo howlaha kale ee Hiigsiga 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkan oo ay Al-shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay dad isugu jira Askar, Rayid iyo Saddex qof oo u dhashay Waddanka Poland, kuwaasoo howlo dhanka dhismaha ah ka waday Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya