4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
SAWIRRO: Kooxda Af-gambiga Dalka Burkina Faso oo lagu Cadaadinayo inay Xilka ka dagaan


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Magaalada Ouagadougou ee Caasimadda Burkina Faso ayaa waxaa ka socda dibad-baxyo ay dhigayaan Dadweynaha ku nool dalkaas, iyadoo ciidanka millateriga waddankaas ay iyaguna caasimadda dalkaas soo galeen, iyagoo ka dal-baday Ciidamada Afgambiaga sameeyay inay isi soo dhiibaan.

Hoggaamiyaha kooxda Afgambiga sameeyay Jen. Gilbert Diendere oo maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Xilka Wareejiyo, laakiinse uu sugayo go’aanka kasoo baxa shirka dalalka Galbeedka Afrika xilligan uga socda Magaalada Abuja ee xarunta dalka Nigeria.

Jen. Diendere ayaa sheegay inuusan xilligan diyaar u ahayn inuu awood ciidan u isticmaalo Millateriga Dalkaas oo Weydistay inay is-dhiibaan, iyadoo Xilligan ay ka socdaan Xarunta dalka Bukina Faso Wadahadallo u dhexeeya kooxda af-gambiga sameeyay iyo taliyeyaasha millateriga dalkaas.

“Waxaa loo helin doonnaa xal khilaafka u dhexeeya ciidamada Walaalaheen ah iyo innaga, waxaana ku baaqayaa in laga fodaado wax walba oo iska-horimaad ah oo dhaca,” ayuu yiri Jen. Gilbert Diendere.

Idaacadaha dalka Burkina Faso ayaa baahiyay maanta in Millateriga dalkaas uu ugu baaqay Kooxda Afgambiga ka sameeyay dalkaas oo lagu magacaabo JUNTA ay isku soo dhiibaan 1:00 Duhurnimo Waqiga Waddankaas ayna Hubka dhigaan.

Magaalada Ouagadougou ayaa waxaa soo buuxiyay ciidamo kala duwan oo ka kala yimid daaafaha Burkina Faso, iyadoo saraakiisha ciidamadan hoggaaminaya ay wacad ku mareen in haddii kooxda Afgmbiga ay hubka dhigi waayaan ay ka dhigayaan hubka caawa.

“Shacabka Burkina Faso waa inay is-dajiyaan ayna ku kalsoondaan ciidamadooda Qalabka sida oo ay ka go’an tahay mar walba inay xaqiijiyaan minimada dalka,” ayuu taliyaha guud ee Ciidamada Bukina Faso, Pingrenoma Zagre ku yiri War-saxaafadeed uu soo saaray.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Dalka Burkina Faso ayaa iyaguna ugu baaqay Shacabka dalkaas inay guryahooda ku nagaadaan ayna is-dajiyaan. Iyadoo uu ka sheegay caasimadda dalkaas, Hoggaamiyaha Kooxda Afgambiga inuu xoog kula wareegay Awoodda dalkaas.

Dhanka kale, Madaxweynihii KMG ahaa ee dalkaas iyo Ra’iisul Wasaarihii dalkaas, Col. Yacouba Isaac Zida oo ay horay u xireen kooxda Afgambiga sameeyay ayaa la sii daayay, kaddib markii kooxda uu cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Ugu dambeyin, dhex-dhexaadiyeyaasha dalalka Galbeedka Afrika ayaa ugu baaqay kooxda Af-gambiga sameeyay inay Xilka ka dagaan, isla markaana ay Madaxweynihii KMG ahaa  ee dalkaas Michael Kafando xilka lagu wareejiyo inta Doorashada Dalkaas la Qabanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaladda dalka Burkina Faso ayaa waxaa ka jirta Xaalad kacsanaan ah; iyadoo kumannaan qof ay ku sugan yihiin wadooyinka waaweyn ee caasimada dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya