4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Farmaajo oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu Sameeyay Wadanka Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa dalka Koonfur Afrika loogu Sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo; taasoo ay kasoo qaybgaleen qaybaha Bulshada, sida Aqoon-yahanno, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro iyo haween oo tiradoodu kumannaan qof ahayd, iyadoo ay Goobta Xafladdu ay ka dhacaysay ay u suuro-geli waday inay soo galaan kumannaan qof oo kale.

Xafladda oo ay ka hadleen Xubno Matalayay Ururada Jaaliyaddaha Sooomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa rajeeyay Farmaajo inuu Alle ku guuleeyo Tartanka Xilka Madaxnimo ee Somalia doorashooyinka lagu wado inay Dalka dhacdo Sannadka 2016-ka. Waxayna ku dareen hadalkooda inay u arkaan inuu yahay Ruuxa keliya ee Samata-bixin kara ummadda Soomaaliyeed ee colaadaha & maamul-xumadu dib u dhigtay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Safiirka Somalia ee dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo ka Qayb-galay soo dhaweynta loo Sameenayay Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Farmaajo kusoo dhaweeyaan dalkan Koonfur Afrika.

Mudane Farmaajo ayaa booqasho ku yimid dalka Koonfur Afrika oo ay ujeeddadiisu tahay in midnimo iyo is-fahan ay gaaraan Bulshada Soomaaliyeed ee Waddamada Caalamka iyo gudaha dalka ku nool, ayna u yeelan lahaayeen Qaaraan Qaran. Wuxuuna ka hadlay dib u dhaca Somalia iyo sida dalalka Afrikaanka oo Qaatay Xorriyaddooda markii ay xorowday Sooomaaliya 1960-kii, isagoo sheegay inay la tahay in lagu daydado Dowladahaas sida ay ku mideeyeen ummadahooda oo ah kuwo kala si aad ah u kala duwan dhaqan ahaan; diin ahaan, luqad ahaa iyo dhaqan ahaan. Isagoo xusay in Somalia oo wadaagta wax walba ay 25 sano colaado iyo arrimo kale oo kala fikir duwanaasho ah ay ka dhexeeyaan, taasoo oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aad looga xumaado, ayna ka gaabiyay hogaanka Somalia.

Sidoo kale; Farmaajo wuxuu ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed ee Koonfur Africa inay gacan siiyaan safaaradooda, ayna la shaqeeyaan safiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Danjire Jamaal Baroow.

Xafladda soo dhaweynta ah ee loo Sameeyay Farmaajo kaddib wuxuu si Gaar-gaar ah ula kulmay howwadeennada safaarada Somalia, ururada haweenka, dhallinyarada, odayaasha, Ganacsatada iyo Aqoon-yahannada kuwaasoo uu ka dhageystay Talooyinkooda ku aaddan dib-u-soo-celintii Qarannimadii Somalia, Waxayna isla garteen inuu mar kale u soo noqdo uuna siiyo waqti midkaan ka badan si Aragtiyo intan ka ballaaran isku dhaafsadaan.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo Gabagabeeyay booqashadiisa ayaa Faray in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ka Qayb-qaataan Qaaraanka Qaran ee ay ka Qayb-qaadanayaan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee caalamka ku kala firirsan, ayna ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Qarannimada Somalia.

Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika