4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Xisbiga KULMYIYE oo ku Dhawaaqay Xilliga uu dhacayo Shirweynihiisa Golaha Dhexe (Sawirro)


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Xisbiga  Taladda haya ee KULMIYE ayaa Maanta si rasmiya ugu dhowaaqay wakhtiga uu qabsanayo shirweynihiisa golaha dhexe ee lagu soo dooran doonno hogaanka xisbiga iyo musharaxa xisbiga uga qaybgali doonno doorashadda soo socota.

Kulan ay maanta iskugu yimaaadeen xarunta madaxtooyadda Somaliland oo uu Goob-joog ka ahaa madaxweyne Siilaanyo, ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa lagu Shaaciyey in Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigaasi uu Qabsoomi doonno Bisha November 10,2015.

“Waxa ilaahay Mahadii ah in maanta Xisbiga Kulmiye isla Qaatay Mudeyntii Qabsoomida shirkii golaha dhexe.   Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, Waa xisbi leh mus-dambeed Arrimuhu markay adkaadaan talo & tilmaam ugu noqdo, Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka  tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ka hadlayey mudeenta wakhtiga shirweynaha golaha dhexe la qabanayo.

Isagoo ka hadlaya wakhtiga u qorsheeyeen inuu shirweynaha golaha dhexe kulmiye dhaco wuxuu yiri “markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku Qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.  Sidaa awgeed dhamaan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaa laga codsanaynaa inay u diyaar garoobaan shirka.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi waxa uu Jawaab ka bixiyey hadalo uu sheegay inay ka soo yeedheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Saddexdii Casho ee shirkii Wada-tashiga uga socday Muqdisho Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

 “Inteennii Maqashay Maalmahan Madaxwaynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud Wuxuu ka yiri Muqdisho; Shirkan Fadaraalka ah mabda’iyan Somaliland way ku jirtaa, Waxaanan eegaynaa farsamooyinkii ay uga qayb-gali lahaayeen. Ninbaa arrin ka yaabay: wuxuuna ka yiri: Waxbaan gani aniga gol iyo cayn jooga ee yidhi badii garcad yaan gudub u waydaarin  godka lagu cadaabyoow, muxuu go’uhu been sheegay.  Weedhaasi waa mid gaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland, waa gardaro badheedha, waa mid sii kala fogaynasa shacbi Somaliland iyo Somalia.    Somaliland magan ugama aha qaranimadeeda, Illaahay mooyaane cid kale , dantu waxay ku jirta xasanoow  in aynu noqono laba qaran oo daris ah oo is ixtiraama. “

Sidoo kale, gudoomiye Muuse Bixi wuxuu ka hadlay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee shirgudoonka Wakiiladda dhexmaray waxaanu yidhi “Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, hadana Somalidu waxay tidhaahdaa, ( hadii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) hadii uu ku gafay ku xigeen kiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu wayna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa.  Muuqaal kaasi waxay su’aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.”

Dhanka kale, wuxuu mar kale ka hadlay khilaafka ka taagan wareejinta haamaha shiidaalka Berbera, waxaana ka mid ahaa Hadalladiisa. “Arrinta la Xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee Xukuumaddu u Qorshaysay kama uu soo Gudbin Golaha xukuumadda.   Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya hasugaan marka heshiiskaasi kasoo dhamaado xaga xukuumada, cidii talo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumada, waxaynu nahay dad talo wadaag leh oo is dhegaysanaya. Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa talo soo jeedin  maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeed.”

Sikastaba ha ahaatee, muddo sanad iyo dheerad ah ayaa laga warwareegayey in la shaaciyo wakhtiga shirweynaha golaha dhexe ee kulmiye qabsoomay, maadaama oo siyaasiyiin cul-culusi loolan ugu jiraan hogaanka xisbiga iyo musharaxnimadda xisbiga, taasina ay cabsi weyn ku keentay madaxweynaha inuu xisbigu laba garab kala noqdo, iyadoo dhawr jeer la xaliyey khilaafyo ka dhashay shirweyneyaashii kulmiye.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa iyaguna indho dhaw ku eegaya Qabsoomidda Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo naawilaya inuu garabka laga itaal roonaada usoo goosan doonaan dhinaca mucaaradka taasina ay guul u noqon karto xisbiyada mucaaradka.

Mar kasta oo Shirka Xisbiga kulmiye qabsooma waxa ka cadhooda siyaasiyiin tacab badan soo galiyey Xisbiga, kuwaasoo lasoo Safta Xisbiga Mucaaradka, Waxaana la Dhawrayaa marka uu Qabsooma Shirweynahaasi Kulmiye qaabka loogu Heshiin doono Maadaama oo siyaasiyiin badan loolan ugu jiraan hogaanka xisbiga marka uu madaxweynuhu cadeeyo in aanu dib isku soo sharaxi doonin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland