4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Suuqyada lagu iibiyo Xoolaha Nool ee Muqdisho oo laga dareemayo Qiimo kac dhanka xoolaha ah


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Xilli maalmo yar ay naga xigaan Ciiddul-Adxa oo ah ciidda ugu weyn labada ciidood ee Islaamka lana gowraco Xoolo fara badan ayaa waxaa sare u kac uu ku yimid qiimaha lagu kala iibsanayo xoolaha, sida Geela, Lo’da iyo Ariga.

Suuqyada lagu iibiyo xoolaha nool ayaa aad u mashquul badan, waxaana jooga dad badan oo doonaya inay xoolo iibsadaan iyo sidoo kale ganacsatada xoolaha iibiya, kuwaasoo si aad ah uga doodaya qiimaha ay wax ku kala iibsanayaan.

Ganacsatada Xoolaha ayaa u sheegay Warbaahinta Qaarkeed in Xilligan uu jiro is-bedal ganacsi oo dhanka iibka xoolaha ah, isla markaana uu sare u kac ku yimid Qiimaha lagu kala iibsado xoolaha nool.

“Maadaama ay nagu soo Fool leedahay Ciidda Carrafo; is-bedel weyn ayaa Xilligaan ku yimid Qiimaha Xoolaha, Tusaale ahaan Neefkii Geella ah sare ayuu uga kacay Qiimahii hore loogu iibsan jiray,” ayuu yiri Yaasiin Xuseen Maxamed oo Geella ka Ganacsada.

Sidoo kale, Ganacsadahan oo ka warbixinayay qiimaha xoolaha nool lagu iibinayo xilligan ayaa yiri. "Neefka Geela ah Heerka koowaad waxaa lagu iibinayaa 28-30-Milyan oo shillin Somali ah, heerka labaad waxaa lagu iibinayaa 25-20-Milyan oo Shillin Somali ah, Heerka 3-aad waxaa isna la iibiyaa 14-18-Milyan oo Shilin Soomaali ah."

Dhanka kale, Ariga ayaa Neefka Cayilan waxaa lagu iibinayaa xilligan Qiime u Dhexeeya 1,500-kun oo Shillin Somali ah, halka neefka heerka labaad isagana lagu iibinayo 1-milyan oo Shillin Somali ah.

Qiimaha Lo’da ayaa isagana wuxuu suuqyada Magaalada Muqdisho ka Marayaan Neefka Birimada ah ayaa Waxaa lagu kala iibsanayaa inta u Dhexeysa 10-15-Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, halka heerka labaad isagana lagu kala iibsanayo inta u dhexyesa 9-milyan illaa 8-milyan oo Shillinka Soomaaliga ah.

Ugu dambeyn, xilliyada ay soo dhaw dahay Ciidul-Adxa ayaa waxaa sare u kac Xooggan laga dareemaa iibsiga Xoolaha Suuqyada Soomaaliya oo dhan, taasoo ay ugu wacan tahay; iyadoo ciiddan ay tahay Ciid inta badan xoolaha la gowraco.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya