4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Saddex Ruux oo Ajnabi ah oo ku Dhintay Qaraxii Xalay ka Dhacay Afaafka Madaxtooyada Somalia


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Saddex Ruux oo Ajnabi ahaa ayaa ka mid ahaa in ka badan 10-qof oo ku Geeriyooday Weerarkii Xalay ka Dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo u dhashay dalka Poland.

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyada Somalia ayaa HOL u xaqiijiyay in Saddexda ruux ee u dhashay Poland ay shaqooyin dhanka dhismaha ah ka wadeen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay lahaayeen shikad dhismo oo madax-bannaan.

“Qaraxii xalay ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia, dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa saddex qof oo u dhashay dalka Poland, kuwaasoo mid ka mid ah uu Asalkiisu ahaa Falastiini,” ayuu yiri mid ka mid ah mas'uulkan ka tirsan dowladda ee la hadlay HOL.

Sidoo kale, Mas’uulkan wuxuu intaas ku daray in tirada dhimashada ay ka badan karto inta la ogyahay oo ah Tobaneeyo ruux, isagoo xusay in dhaawacyadu ay intaas ka badan yihiin, isla markaana uu dhawaan dhaawac soo gaaray xalay u dhintay sarkaal ka tirsan hay'adaha ka howlgala Muqdisho.

"Ajaanibtan Dhimatay waxay kasoo baxayeen Madaxtooyada markii uu Qaraxu dhacayay, iyagoo kasoo laabtay RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte oo ay kulammo la soo qaateen, waxaana gaarigii ay wateen uu si lama filaan ah ula kulmay Qaraxa, iyaga iyo ruux Soomaali ah oo la shaqeynayay dhammaantoodna meesha ayay ku dhinteen," ayuu ku daray hadalkiisa mas'uulkan.

Weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxay dhankooda sheegeen inay ku dileen weerarkaas in ka badan lix ruux oo ajaanib ah iyo Askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Balse, waxaa kaloo Qaraxan ku naf-waayay tiro shacab ah oo goobta ganacsiyo kala duwan ku haystay iyo sidoo kale, Dad kale oo rayid ah oo iyaguna Xilligaas marayay afaafka hore ee Madaxtooyada iyo meelo ku dhow.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaan weli si rasmi ah ugu Warbixin khasaaraha ka dhashay weerarkaas, iyadoo Weerarkan lagu soo beegay xilli uu Madaxtooyada Somalia ka soo baxayay Ergayga QM u qaabilsan Somalia, Nicolash Kay, inkastoo aysan waxba kasoo gaarin Weerarkan.

Ugu dambeyn, Illaa hadda oga in Maydadka Ajnabiga u dhashay Poland in Dalkooda lagu celin doono si loogu aaso iyo in kale, iyagoo noqonaya dadkii u horreeyay oo Polish ah oo ku dhinta Qaraxyada ka dhacayay Caasimadda Somalia ee Sannadihii u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, Amniga Madaxtooyada Somalia iyo Hareeraheeda ayaa si aad ah loo adkeeyay Maanta, iyadoo lagu Arkayo Waddada Gasha Madaxtooyada Somalia Ciidammo fara badan oo baaris ku sameynaya gaadiidka maraya waddadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya