4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Xaafadda Islii oo laga Xusay Weerarkii Westgate Mall iyo Maalinta Nabada Adduunka (SAWIRRO)


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Xaafada Eastleigh [ISLII] oo ka Tirsan Degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa shalay waxaa lagu qabtay munaasabad ay ka qeyb galeen masuuliyiinta sare ee xaafadaas, oo ku saabsaneyd xuska sanad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii weerarka lagu qaaday xarunta Westgate ee magaalada Nairobi iyo waliba munaasabada maalinta nabada adduunka oo shalay ku beegneyd.

Munaasabada oo ka dhacday Dugsiga hoose ee Islii “Eastleigh Primary School”, ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanka laga soo doortay degmada Kamukunji Mudane Yusuf Hassan Abdi, Marwo Jawaahir Mohamed oo ah Wakiilka Golaha Deegaanka ee Galbeedka Xaafada Islii iyo Madaxda ciidamada ammaanka degmadaas, iyadoona socod lagu maray qaar ka mid ah wadooyinka xaafadaas dhex maro.

Yusuf Hassan, ayaa hadal uu ka jeediyay madashaas, ayaa wuxuu sheegay iney aad oga xun yihiin weerarkii lagu qaaday Xarunta Westgate labo sano ka hor iyo weeraro kale oo ka dhacay Kenya. Wuxuuna intaas ku daray in dadka dhibaatooyinkaas geysanaayo ay yihiin kuwa aanan cidna u naxeynin.

 Xildhibaanka, ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Kamukunji iney mar walba ka shaqeynaan ammaanka, ayna la kaashadaan ciidamada amniga hadii ay arkaan cid ay ka shakiyaan.

Shalay, ayaa sidoo kale waxaa dib loo furay xaruntii ganacsiga Westgate mudo labo sano kadib ah, waxaana dib-u-furitaanka xaruntaas xaflad loogu tala galay oo lagu qabtay gudaha Westgate laga shiday  67 Shumac oo loogu baroor diiqaayay dadkii halkaas ku geeriyooday.

Inkastoo amniga si weyn loo adkeyay shacabkana loo ogolaaday shalay iney ka dukaamey-staan xaruntaas, hadana saxaafada Kenya ayaa sheegtay in dad badan aynan tagin goobtaas sababo la xiriiro xasuustii ay soo martay iyo cabsi ay qabeen.

Dhanka kale wadanka Kenya, ayaa waxaa bisha Sagaalaad ee sanadka (September) looga arkaa iney tahay bil murugo badan oo dhibaatooyin kala duwan ay Kenya ka dhaceen

Waxaana ka mid ah dhacdooyinka ay fikradaha xun ka qaadeen dadka Kenyanka ah, kuwa dhacay sanadihii aynu soo dhaafnay oo dad badan ay ku geeriyoodeen.

12, September, 2011; Dab ka kacay dhuumaha Shidaalka ee maro xaafada isku raranka Siinaay ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof halka in ka badan 116 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

21-  September – 2013; Waxaa ka dhacay magaalada Nairobi weerar Al Shabaab ay masuuliyadiisa sheegtay oo lagu qaaday Suuqa Westgate oo ay ku dhinteen 67 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 100 qof oo kale.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya