4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada AMISOM oo Duqeymo ka Geystay Deegaan ku yaalla Gobolka Bay


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada AMISOM ayaa gellinkii dambe ee Shalay duqeeyay deegaanka Labaatan-jiroow oo 60-km u jira Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Inkastoo aan la ogeyn Duqeynan Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay, ayaa Haddana Wasiirka hub-ka-dhigista, dhaqan-cleinta malleeshiyooyinka iyo tababarrada ee maamulka Koonfur-galbeed, Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlayay idaacada VOA-da ayaa sheegay in duqeyntu ay khasaare badan kasoo gaartay Al-shabaab.

“Waxaa duqeynta lala beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Labaatan-jiroow, runtiina khasaare xooggan ayaa kasoo gaaray, inkastoo aanan tiro Sugan Sheegi karin,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inaysan jirin dad rayid ah oo ay waxyeello kasoo gaaray weerarkaas, isagoo xusay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo qayb ka ah howlgallo dhawaanahan laga waday Gobollada Bay iyo Bakool.

“Duqeyntan waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka AMISOM oo dhawaanahanba ka waday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool, waxaaa rajeynaynaa in dhawaan Al-shabaab laga saari doono labadaas Gobol,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan Weli ka hadlin Duqeynta ay Ciidamada AMISOM ka geysteen deegaanka Labaatan-jiroow iyo khasaaraha kasoo gaaray xoogagooda ku sugan deegaankaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya