4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2015
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo Cambaareeyay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho


Talaado, September 22, 2015 (HOL) — Ergayga QM ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa ayaa cambaareeyay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Al-shabaab ay xalay la beegsatay Madaxtooyada Somalia.

Danjire Nicholas Kay ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah looga soo hor-jeedo Ammaanka iyo Xasilloonida ka jirta Muqdisho, isagoo intaas ku daray in weerarrada noocan oo kale ah aan lagu horjoogsan doonin horumarka socda.

“Annagoo ku Hadlayay Magaca Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa Waxaan si kulul u cambaareenaya qaraxii ka dhacay Muqdisho, waxaana tacsi u dirayaa ehellada dadkii ku geeriyooday Qaraxa, waxaan caafimaad u rajeeynayaa intii ku dhaawacantay,” ayuu yiri Kay.

Weerarkan Qaraxa ah ayaa wuxuu dhacay xilli Danjire Nicholas Kay uu kasoo baxayay Xarunta Madaxtooyada Somalia, halkaasoo uu kaga qaybgalay shirkii looga hadlayay doorashooyin Somalia ka dhaca sannadkii 2016-ka.

Xarakada Al-shabaab oo mas’uuliyadda Weerarkan sheegatay ayaa waxay hadal ay siiyeen saxaafadda ku xuseen inay uga jawaabayeen shirar ay sheegeen in lagu hagar-daameynayo Shacabka Soomaaliyeed oo ka socday Villa Somalia.

Ugu dambeyn, Weerarkan Qaraxa ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan laabatan qof oo kale, kuwaasoo dhaawacyadoodu kala duwan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya