4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo kala saxiixday heshiishyo kala duwan


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Xukuumada Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ayaa heshiis ku saabsan xidhiidhka labadda dhinac iyo ka wada shaqaynta amniga xuduudaha ku kala saxeexday magaalada Diridhaba ee Itoobiya.

Shirkan oo labadii maalmood u dambeeyey ka socday magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa waxa ka qayb galay wefti ka socday Somaliland oo uu hogamineyo wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Cali Warancade ay ku wehelinayeen taliyayaasha laamaha amaanka Somaliland iyo badhasaabyada 8 gobol, halka xukuumadda dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ee Kililka shanaad uu hogaaminayey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo ambassador Birhane Gebre Kristos oo ah ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada ee xukuumada federaalka Ethiopia. 

Heshiiskan waxa si rasmi oo wada jir ah u wada saxeexay wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland iyo Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaaladda ee Dowlad deeganka Soomalida Ethiopia Yaasiin Cabdi Weris.

"Heshiishkani Waxa uu wax ka tari doona  dadka walaalaha ah ee isku dhaqanka ee isku diinta ah ilaa iyo intii dunida jirtay walaalaha soo ahaa, maantana iyo berina ahaan doonno ay  dantooda ka wada shaqeeyaan. Marka waxa aan leeyahay heshiiskani waxa si fiican wax uga tari doona haddii allah yidha in cadowga deeganka Soomaalida iyo dalka Ethiopia iyo cadowga Somaliland deegaankan aanu joogin, cadowga dalka Ethiopiana aanu u joogin Somaliland."ayuu yidhi madaxweynah dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya  Cabdi Maxamed Cumar oo ka hadlayey munaasibadda heshiishkaasi ka dhacayey.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa isna dhankiisa mahad naq usoo jeediyey dhamaan ka qayb galayaasha labada dhinac, waxanu yidhi "Runti maanta  waxa inoo bilaabantay heshiis cusub oo iskaashi ah oo wada shaqeyneed oo dhinac badan taabanaya wax tar weyna u ah isu soo dhowaanshaha dowladaha labada wadan iyo shucuubta labada wadan, waxana aanu qabna  inay wax weyni ka tari doonan.  Guddiyada aanu saarnay hawl maalmeedka ay qaban doonan wax kasta oo dhibaato ah oo yimadaa haba yaratee ama haba weynatee, inay gudiyadaasi si toos ah u wada shaqeyn doonaan”.

Heshiishkan ayaa waxa ka mid ah in la isku soo gacan galiyo dambiileyaasha dambiga ka galla wadamadoodda iyo in aanay dhinacna ogolaan inu ku soo dhuunto qof khalkhalgalin kara amniga iyo nabadda labadda dhinac, sidoo kale wax laga qabto ganacsiga sharci darada ah ee iskaga gudba xuduudaha iyo in la fududeeyo isku socodka bulshadda labadda dhinac.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland