4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Ururka ONLF oo sheegay in Al-shabaab ay dishay Laba Xubin oo ka Tirsanaa Saraakiishooda Sare


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Ururka ONLF oo dowladda Itoobiya kula jira Dagaal ayaa maanta sheegay in Al-shabaab ay Gudaha Dalka Somalia ku dileen laba Xubnood oo ka tirsan Saraakiishooda oo ku Socday Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya oo ay ka Dagaalamaan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ururka ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay labadan Sarkaal ka qabteen meel ku dhow degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, ayna ku dileen Deegaanka Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Warbixinta ONLF ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay dileen Labadan sarkaal bishii May ee sannadkan, iyagoo gacanta ku hayay bay yiraahdeen laba casho. Laakiin ma sheegin sabab ay Al-shabaab ku dileen labadan sarkaal.

Saraakiisha uu Ururka ONLF sheegtay ay dishay Al-shabaab ayaa Waxay Magacyadooda ku sheegeen; C/casiis Muxumed Daahir iyo Maki Cumar Cabdi. Waxayna intaas ku dareen in C/casiis Muxumed uu ka Tirsanaa Golaha Dhexe ONLF, Halka Maki Cumar-na uu ahaa Madaxii Agoonta ONLF.

Dhanka kale, Jabhadda ONLF ayaa Al-sabaab ku eedeysay in ay Horey u dileen Siddeed xubnood oo Ururkooda ka tirsan, kuwaasoo uu ka mid ahaa; Xoghayihii Gaashaandhigga ONLF, Ilyaas Sheekh Cali.

Saraakiisha la dilay ayaa xiliga la qabanayay waxay Somalia u taggeen inay kasoo qaadaan Lacago laga soo Diray Dibadda oo loogu Talo-galay in loo Qaybiyo Carruurta Agoonta ah ee Jabhadda ONLF, xilli ay soo dhaweyd Bishii Ramadaan.

Ugu dambeyn, Ururka ONLF ayaa Qoraalkooda ku sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn Al-shabaab, sidoo kalana aysan waqti u hayn dilka ay saraakiishooda u geysteen.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay ONLF ee ku Aaddan inay Gudaha Somalia ku dileen Saraakiil ka tirsan Jahaddaas oo Dagaal kula jirta Dowladda Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya