4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedelay Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha

/images/2015/july/Madaxweyne_Siilaanyo_Somaliland_660.jpg
Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha SOMALILAND, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Maanta kala bedelay Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha.

“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuu Go’aansaday in laga bilaabo Taariikhda Xeerkan;

1. In Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

2. In Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

3. In Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

4. In Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland”.

Sidoo kale wuxuu agaasime cusub u magacaabay wasaaradda Arrimaha Dibadda  In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq).

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somaliland ayaa Agaasimihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Siciid war-saxaafadeedkan kuma sheegin in la eryey iyo in meele loo bedelay halka booskiisa masuul cusub loo magacaabay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland