4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Qarax Is-miidaamin ah oo Goor-dhaw ka dhacay Afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Qarax Ismiidaamin ah oo loo Adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa Goor-dhow ka dhacay Albaabka laga galo Xarunta Madaxtooyada Somalia, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ahaa mid Xooggan oo Bur-bur ballaaran Geystay, iyadoo Qaraxan lagu soo beegay xilli Muqdisho lagu soo Gaba-gabeeyay Maanta Shirkii Wadatashi ah oo looga Hadlayay Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo Sannadka soo socda ee 2016-ka.

Xilligan ayaa waxaa la maqlayaa rasaas aad u culus oo ay ridayaan ilaalada Madaxtooyada Somalia, iyadoo Goobta oo dhan la xiray, Waxaana Gaadiidka gurmadka Deg-dega ah ee Ambulance-yada loo yaqaan ay goobta ka qaadayaan dhaawacyada iyo maydadka dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay.

Inkastoo aan si Rasmi ah loo ogeyn, Khasaaraha ka dhashay Weerarkan ayaa Haddana ilo wareedyo ku dhow-dhow goobta waxay sheegayaan in ciidammo iyo dad kale oo Shacab ah oo goobta ku sugnaa ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaartay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan; balse qaraxyada noocan oo kale ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab, iyadoo laamaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli ka hadlin Qaraxan iyo khasaaraha uu geystay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Weerarkan Ismiidaaminta ah, waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya