4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Munaasabad lagu soo Dhaweynayay Xildhibaan Aadan Barre oo lagu Qabtay MNPLS (SAWIRRO)


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Waxaaa xafladdan kasoo qaybgalay dad badan oo kasoo kala jeeda Dalalka Kenya, Somalia, iyo bulshooyin kale oo u dhashay Maraykanka.

Xafladdan ayaa lagu Maamuusay inay ka hadlaan dad kooban kuwaasoo qaar ka mid ah ay ka sheekeeyeen Wanaagga Xildhibaan Aadan Barre iyo waxyaabihii uu qabtay xilliyadii Xasaasi ahaa. Arrimahaas oo ay ka mid yihiin Xilligii la Raafayay Soomaalida ku nool Nairobi iyo khudbadihii uu jeediyay dadka tasoo Soomaalida badankood ay ka daawadeen Youtube-ka.

Sidoo kale, Arrimaha kale oo iyagana Muhiimadooda leh ayaa loosoo jeediyay in uu wax ka qabto xildhibaan Ducaale. Waxaana ka mid ahaa: Dadka Muslimiinta ah oo maalmahan dambe magaalooyinka Kenya qaarkood si Qarsoodi ah loogala baxo, kaddibna sidaas lagu waayo ama Mararka Qaarkood Meykooda laga helo meelaha gaar ah, kuwaasoo kusoo badanaya dalka Kenya, sidoo kale in wax laga qabto Mudaharaadka Macalimiinta doonaysa Mushaar kordhinta iyo Xuquuqda Dumarka kenya ayna saami sax ah ka helaan Hoggaanka siyaasadeed ee Kenya.

Farxiya Nuur oo khudbad kulul ka jeedisay xafladda ayaa hadalkeeda Xoogga ku saartay muhiimadda caafimaadka uu u leeyahay guud ahaan dadka, gaar ahaan Haweenka Soomaalida Kenya, iyadoo tiri. "Dalkeenna Kenya Hooyooyin badan ayaa u dhinta dhiig-bax xilliga ay umulayaan, arrintaasna ma ahan wax aanu daawan karno.”

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa uga mahad-celiyay Dadka soo dhawaynta diirran ee ay u sameeyeen, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay la Kulanka Soomaalida iyo Kenyaanka Maraykanka ku nool uu la yeeshay. Waxaana erayadii khudbadiisa ka mid ahaa: "Waxaanu kasoo billownay hoos walina dadaal ayaanu ku jirnaa, Waxaynu soo marnay Xaalado adag iminkana Baarlamaanka waxaynu ku leenahay soddon iyo dhawr xildhibaan oo Soomaalida Kenya ah."

Isagoo sii hadlaya Xildhibaan Aadan Barre ayuu intaas ku daray. "Bal is-bar-bar dhiga inta xildhibaan & wasiir ay haweenku ku lee-yihiin dalka Kenya xitaa kuma lahan dalkan Mareykanka."  

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay horumarka ka socda Gobolka Waqooyi-bari Kenya isagoo sheegay in laga dhaisayo Waddooyin uu ku tilmaamay inay Qayb ka yihiin kaabayaasha Dhaqaalaha. Isagoo Xildhibaanku uu guud ahaan Qurbo-joogta uga digay Qabyaaladda oo uu ku dhaliilay Bulshada ku Abtirsata Soomaalida, Waliba kuwa Qurbo-joogta ah.

Madaxdii iyo dadkii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Erin Murphy oo madax ka ah Baarlamaanka Gobolka Minnesota qaybta laga tirada badan yahay. Iyadoo Minnesota kusoo dhaeysay Xildhibaan Aadan Barre, waxaa iyaguna goobta ka hadlay dad fara badan oo kala duwan.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Waxaa loo rajeeyay wanaag, Waxaana lagu soo bandhigay Goobtii Xafladda Heeso iyo Ciyaaraha Dhaqanka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA