4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Munaasabad lagu Xusayay Maalinta NABADDA Adduunka oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Ergayga QM ee Somalia danjire Nicholas Kay ayaa Maanta ka Qayb-galay Munaasabad lagu Xusayay maalinta Nabadda Adduunka, taasoo Sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku Midowno Nabadda”.

Xafladdan ayaa Waxaa sidoo kale ka Qayb-galay Madaxda Maamul-goboleedyada Dalka, gaar ahaana Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas, Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Jubbaland Axmad Maxamed Madoobe.

Munaasabaddan oo uu soo agaasimay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Haweenka iyo xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa Waxaa lagu Muujiyay Muhiimadda Nabaddu ay u leedahay bani'aadamka, gaar ahaan Soomaaliya oo 70% Shacabkeedu yahay Dhallinyaro, waxaana laga akhriyay goobta baaqii dhallinyarada Caalamka ee kasoo baxay shirkii ay ku yeesheen dalka Urdun, kaasoo lagu Qeexay in loo baahan yahay in Dhallinyaradu ay Qayb ka noqdaan Hay’adaha siyaasada waddanka, si loo helo Xasilooni iyo Nabad.

Sidoo kale, iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabadan ayaa waxay Wasaaradda haweenku soo bandhigtay Qorshe looga hortagayo gudniinka Fircooniga, iyadoo Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul insaanka, Sahro Maxamed Cali Samatar ay Sheegtay in Golaha Wasiirradu Ansixiyeen Qorshahan Qaran ee lagu soo afjarayo Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha.

Gunaanadkii Xafladda ayaa waxaa ka hadlay RW Somalia Cumar C/rashiid isagoo xusay in Nabadu ay muhiimad u leedahay Somalia, maadaama dalku soo maray dhibaatooyin ka dhashay colaado sokeeye oo dhiig badani ku daatay.

“Nabadda Annagaa ku nool ee iyadu naguma noola. Waana muhiim in si Wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Xusay in ay ka Shaqeynayaan sidii ay dhallinyaradu fursad ugu heli lahaayeen ka Qayb-galka Siyaasadda iyo Hoggaanka sare ee Hay’adaha dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya