4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Is-gaarsiinta Baladweyne oo Hawada ka Maqan iyo Dagaallo ka socda Qaybo ka mid ah Gobolka

/images/2011/Dec/BeledWeyne.jpg
Isniin, September 21, 2015 (HOL) — In ka badan Sagaal sacadood oo xiriir ah ayaa waxaa hawada ka maqan gabi ahaanba is-gaarsiinta magaalada Beledweyne, kaddib markii saakay waabarigii hore hawada laga saaray.

Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo howl-wadeenada shirkadaha oo ku booqanay xarumahooda, ayaa inoo sheegay in sidda ay ku amreen saraakiisha Ciidammada mana aysan bixin Faah-faahin intaa ka badan.

Wararku waxay sheegayaan inuu soconayo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaliya oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaan, kaddib markii ciidammadan oo ka soo anbabaxay deegaanka Halgan weerar jid gal ah ku qaadeen meel u dhaxeysa deegaannada Garsiyaani iyo Nuur-Fanax dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ah mid Culus oo la isku Weydaarsanayo hubka kala duwan, Waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dirirtu u dhaxeyso, waloow aan rasmi ah loo ogeyn inta uu khasaaraha la eg yahay.

Sababta ugu weyn ee isgaarsiinta hawada looga saaray ayaa loo maleynayaa inay la xiriirto Dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Somalia, AMISOM iyo Al-shabaab, Laakiin Arrintan ayaa saameyn weyn ku yeelatay xiriirkii caadiga ahaa ee dadaweynaha ku dhaqan magaalada iyo guud ahaan gobolka intiisa kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya