4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Shirkii Wada-tashiga ee Muqdisho oo Goor-dhow lasoo Gunaanaday iyo Qodobbadii lagu Heshiiyay


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Shirkii Wadatashiga Qaran ee Muqdisho uga Socday Madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada dalka oo ay Goob-joogayaal ka ahaayeen Xubno ka Socday Beesha Caalamka ayaa Goor-dhow lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, iyadoo la filayo in goor-dhow lagu dhawaaqo War-murtiyeedkii lagu heshiiyay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhinacyadu ay ku heshiiyeen Qodobbo ay ka mid ahaayeen; In la dhiso Madal wadatashi oo ay xubno ka yihiin dowladda Somalia, Maamul-goboleedyada dalka ka jira, Ururrada Bulshada Rayidka iyo Baarlamaanka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Madashan ay kulankooda ugu horreeya yeelan doonaan Bisha soo socota ee Oktoobar, iyagoo Qaabeyn doona Doorashada Dalka ka dhici doona Sannadka soo socda ee 2016-ka iyo in Bisha Jannaayo ee soo Socota lagu dhawaaqo qaabka loosoo dooranayo Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa Wareysi uu siiyay VOA-da kaga Hadlay Shirka lasoo Gunaanaday, isagoo intaas ku daray inay Shirka kasoo bixi doonaan Qodobbo muhiim ah oo lagu farxo.

“Xilli dhow ayaa lasoo saarayaa War-murtiyeedka shirkii Wadatashiga ahaa ee Dhinacyada Soomaaliya ay Muqdisho ku lahaayeen, kaasoo lasoo gaba-gabeeyay xilli dhow,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somalia.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa Sheegay in Dhinacyada oo dhan ay Shirka maanta Goob-joog ka ahaayeen, isagoo Xusay inuusan jirin maamul si Rasmi ah shirka uga baxay, laakiin ay jireen Tabashooyin dhinacyada Qaarkood ay soo jeediyeen.

“Anigu cid si rasmi ah shirka uga baxday ma ogi, dhinacyada oo dhan waxay ka mid yihiin guddiyada heshiiska wadajir ah gaaray,” ayuu Wasiirku Hadalkiisa ku daray, isagoo intaas raaciyay in Puntland oo la sheegay inay shirka ka baxday ay Maanta goobjoog ka ahaayeen Gunaanadka Shirka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Wareysigiisa raaciyay in War-murtiyeedka Shirkan saddexda casho ka socday Muqdisho laga soo saaro, loona soo bandhigi doono qaybaha Warbaahinta si ay Shacabku Soomaaliyeed wax uga ogaadaan.

Si kastaba ha ahaatee; Gunaanadkii shirkan oo socday saddex casho ayaa waxaan goobjoog ka ahayn Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo maanta barqadii ka ambabaxay dalka, isagoo u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

Haddaba War-murtiyeedka Shirka dhinacyada Soomaaliya uga socday Muqdisho waxaan idin kugu soo gudbin doonnaa Wararka soo socda ee HOL haddii uu ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya