4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
JEN. QAALIB: Ciidamada Millateriga Dowladda Federaalka Somalia ma haystaan daryeel ku filan

/images/2015/feb/Howlgalka_EU_ee_Tababarka_Ciidamada_Somalia.jpg
Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ah Khabiir Dhanka Ciidamada ah, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Somalia, ayaa sheegay inaysan Ciidamada Millateriga Somalia haysan daryeel, taasoo uu ku tilmaamay inay sabab u tahay Deegaannada ay kasoo baxaan.

Wuxuu Jeneraalku hadalkiisa ku daray in Dowladda Somalia aysan Ciidamada Millateriga ah aysan siin daryeelkii ay u baahnaayeen, ayna taasi sabab u tahay in Al-shabaab ay dib u qabsadaan deegaannada ay ciidamada ka baxaan gaar ahaan kuwa Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, Jen. Qaalib ayaa intaas ku daray in xilligaan looga baahan yahay in xil gaar ah ay iska saarto daryeelka Ciidamada xoogga dalka, si is-bedal Amaan looga hirgeliyo dalka oo dhan.

“Fikir ahaan waxaan qabaa in inta ay Somalia ku sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya aysan dhamaaneyn dhibaatada Soomaaliya. Waxaa la yiraahdaa Millateriga waa dayacan yahay mana haysto daryeel wanaagsan. Marka waxaan soo jeedin lahaa Dowladda Somalia in Ciidamada ay sii Ahmiyad ayna u dhameystiro waxyabaaha ay u baahan yihiin sida daryeel ku filan inay helaan,” ayuu yiri Jen. Qaalib.

Dhanka kale, Jeneraalka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia in ay dayacday ciidamada Millateriga, kuwaasoo Maalin iyo Habeen Dagaallo kula jira Al-shabaab oo ka soo horjeeda Dowladda hadda jirta.

Ugu dambeyn, Jen. Qaalib ayaa hadalkiisa wuxuu imaanayaa xilli ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, deegaanadaas oo ay dib ula wareegeen Xoogagga Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer u sheegay inay Xoogga saarayaan dib u dhiska Ciidamada Millateriga Somalia, si Dalka dib loogu soo celiyo Ammaan buuxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya