4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho ka dhoofay iyo Shirkii Wada-tashiga Qaran oo Weli Socda


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u Ambabaxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Halkaasoo uu kaga Qayb-gali doono Aaska Sh. Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum oo ah wiil uu dhalay Amiirka Dubai, isla markaana ah Madaxweyne ku xigeen iyo RW-ha Imaaraadka Carabta.

Bixitaanka Madaxweyne Xasan ayaa imaanaya iyadoo shirkii wada-tashiga Qaran uu weli ka socdo Muqdisho, iyadoo shirka uu maanta shir-gudoominaya ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sidoo kal, Madaxweynaha Maamulka Koofur-galbeed Shariif Xasan ayaa isagana shalay u dhoofay dalka Sacuudiga, halkaasoo uu ku soo gudanayo waajibaadka Xajka ee Sanadkan.

Kulanka looga tashanayo Mustaqbalka Somalia ayaa la sheegay in lasoo gunaanadi doono gellinka dambe ee Maanta lagana soo saari doono war-murtiyeed wadajir ah oo dhinacyadu Shirka ka Qayb-galaya ay isku raacsan yihiin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay ka baxay shirka ayaa lagu Qanciyay inay kusoo laabtaan shirka, iyagoo Maanta Goob-joog ah Shirka. Inkastoo Tabashooyinkii ay qabeen aan weli xal waara laga gaarin.

Xubnaha Beesha Caalamka ee ka Socda ee Qayb-galaya Wada-hadalada ayaa Dhinacyada ka Qayb-galaya Shirkaan ku cadaadinaya inay gaaraan is-fahami keeni kara in horay loogu socdo Hiigsiga Somalia ee Sannadka 2016-ka.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen Maanta ku sheegay in ay Go’aansadeen ka Qayb-galka Shirka Muqdishoka socda ee Doorashooyinka Somalia ee Sannadka 2016-ka looga hadlayo.

Ugu dambeyn, War-murtiyeedka ayaa la filayaa inuu maanta kasoo baxa Shirkan oo shalay ay khilaafyo hareeyeen, iyadoo la sheegayo in shirkan uu xigi doono shir kale oo loo qaban doono ururada bulshada rayidka ah oo shalay sheegay inaysan qayb ka ahayn shirka Wada-tashiga ah ee ka socda Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya