4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Murashax Carson oo Sheegay inaanu Qof Muslim ah Madaxweyne ka Noqon karin MAREYKANKA


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Musharax ka Tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo doonaya inuu u Tartama xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa ku dooday in Diinta Islaamka iyo Dastuurka Maraykanka aysan is-qaadan karin.

Ben Carson oo ah Dhakhtar Hawlgab ah oo ku Takhasusay Cudurrada Neerfaha ku Dhaca ayaa sheegay inuusan waligii Aqbali doonin in qof Muslim ah uu Madaxweynaha ka noqdo Maraykanka.

“Qof Muslim ah kama noqon karo Madaxweyne Mareykanka, Sababtoo ah dastuurka dalka Mareykanka u yaalla iyo Islaamku ma ahan kuwo is-ogol,” ayuu yiri Murashaxan ka Tirsan Xisbiga Jamhuuriga, Ben Carson.

Sidoo kale, Carson ayaa intaas ku daray in isagu uusan diidaneyn Muslimiinta Maryekanka ku nool, balse ujeeddadiisu ay tahay in Mareykanka uusan Madaxweyne oo noqon karin.

Mareyanka ayaa waxaa ku Nool 2.8 Milyan Qof oo Mulsimiin ah, kuwaasoo Qaarkood ku jiraan Golayaasha sar-sare ee Marekanka sida Aqallada Xildhibaannada, waana Qoymiyad si weyn looga Xushmeeyo Mareykanka oo Dhan.

Carson ayaa hadalkan ka dhawaajiyay, kaddib markii Telefishinka NBC ee Mareykanka uu weydiiyay Axaddii shalay inuu rumeysan yahay in Dastuurka Mareykanka iyo Islaamku ay is-ogol yihiin iyo inuu Aqbali lahaa in Shacabka Mareykanka ay u Doortaan Madaxweyne Qof Muslim ah.

“Maya… anigu ma rumeysani in qof Muslim ah uu Hoggaamin karo shacabkan,” ayuu yiri Carson, oo intaas ku daray in hadafkiisa aysan ahayn nacayb uu u qabo Muslimiinta, balse Dastuurka Mareykanka iyo Islaamku aysan ahayn kuwo is-ogol.

Hadalka Murashaxan ayaa yimid maalmo uun kaddib markii Ninka ugu Cad-cad Tartanka Musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, uu diiday inuu iska fogeeyo mid ka mid ah Taageerayaashiisa oo ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka, Barakac Obama in uu Muslim yahay, isla Markaanka uusan ahayn Mareykan dhalad ah.

Dhanka kale, Ben Carson ayaa Sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu yahay Ruux ku dhashay dalka Mareykanka oo Ameerikaan ah, uuna yahay Masiixi oo aanu ahayn Muslim, sida uu Aaminsan yahay.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ayaa isla Axadii shalay ahayd weydiistay Carson inuu ka baxo Tartanka Doorashada Madaxnimo ee Mareykanka oo lagu Wado inay Dhacdo Sannadka soo socda ee 2016-ka.

“Ben Carson si cad uma fahmin Dastuurka dalkan Mareykanka. Mana oga Waxyaabaha uu Dastuurku ogol-yahay iyo qodobada diidan yahay ogoleyn, iyo sidoo kale inaan maamulka Dalkan lagu saleyn wax diin ah,” ayuu ku yiri Xog-hayaha Golaha Xiriirka Muslimiinta ee Mareykanka, Nihad Awad War-saxaafadeed uu soo Saaray.

Ugu dambeyn, Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka, Bernie Sanders ayaa isagana yiri. “Shaqsiyan Aad ayaan uga Niyad-jabay Hadalkii Ben Carson ee ahaa in Qof Muslim ah uusan Madaxweyne ka noqon karin Mareykanka.”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Machadka darso Arrimaha Carabta ee Maraykanka ayaa Warbaahinta Caalamaka u Sheegay in Arigtida Ben Carson ee ah in Ruux Muslim ah uusan Mareykanka ka noqon karin Mareykanka ay tahay mid Nacsinimo ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya