4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Wasiir ka tirsan Maamulka Khaatumo oo Prof. Cali Khaliif ka Dalbaday inuu Xilka isaga Dego

Isniin, September 21, 2015 (HOL) — WASIIRKA Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Maamulka Khaatumo, C/risaaq Cawil Bacluul ayaa Wareysi Warbaahinta uu siiyay kaga codsaday Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh inuu Xilka ka dago, Madaama uu wadi waayay howlihii loo ig-maday.

Bacluula ayaa hoosta ka xariiqay in Prof. Cali Khaliif uu ka caddeeyay shirkii lagu qabtay dhawaan Deegaanka Balli-cad ay ku yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo inuu guddi u sameeyay wada-xaajood lala gali doono Somaliland, Arrinkaasoo uu Bacluul ku tilmaamay ku-takri-fal loo geysanayo shacabka Khaatumo.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Hadduu Madaxwaynuhu Diyaar u yahay Wada-xaajoodka Somaliland lala galo aysan ka celinay, balse Arrinkaasoo kale uu ku keenayo niyad-jab Dadka ku nool Deegannada uu ka taliyo Maamulka Khaatumo oo kalsoonida siiyay, Prof. Cali Khaliif; taasina ay wax u dhimeyso magaca uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

“Kuguma raacsaninin go’aankaas,” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray inaan la joojin xilli wadahadallo lala furmo Maamulka Somaliland oo ay Maamulkooda ay kala dhexeyso xurguf siyaasadeed.

C/risaaq Bacluul ayaa sheegay inuu u Arkayo Shirkii Deegaanka Balli-cad mid fashilmay madaama buu yidhi loo baahnaa in la is-waydiiyo wixii maamul ahaan u Qabsoomay iyo Howlaha qabyada ah sidii loogu Dhaqaaqi lahaa, taasoo loo baahan yahay sidii la isugu abaabuli lahaa dagaal lagu xoraynaayo meelaha maamulka Somaliland gacanta ugu jira.

Ugu dambeyn; Hadalkan uu jeediyay Wasiirka ayaa Wuxuu Xoojinayaa iyadoo ay Horay uga Gacan-sayreen Qaar ka mid ah Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Khaatumo iyo madax-dhaqmeed Shirkii Balli-cad, kaasoo ay ku tilmaameen mid u Afduuban Madaxwaynaha Khaatumo.

Si kastaba ha ahaatee, Prof. Galaydh ayaa mar uu xariga ka jarayay Xafiis laga qaadanayo Baasaboorka Soomaaliya oo laga  furay Magaalada Buuhoodle ayuu ka sheegay inuusan u socon Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame,Hiiaan Online
[email protected]
Laascaanood, Soomaaliya