4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Kenyatta oo Diiday in Mushaarka loo Kordhiyo Macallimiinta Wax-ka-dhiga Iskuullada Kenya


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay kordhiyaan mushaarka Macalimiinta wax ka dhiga iskuullada Dowladdiu maamusho, iyadoo macallimiintu ay haatan ku jiraan shaqo-joojin ay kaga cabanayaan mushaar-yari haysta.

Uhuru Kenyatta oo shalay ka Hadlayay Shaqo-joojinta Macalimiinta Kenya ayaa xusay in Macalimiinta wax ka dhiga Iskuullada Kenya ay yihiin kuwo saddexaad ee ugu mushaarka badan Qaaradda Afrika.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli Xukuumadda Kenya ay Jimcii ku dhawaaqday in la xiro gabi ahaan Iskuullada ay dowladdu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahay, inta ay macalliimiintu ku jiraan shaqo-joojinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenhya ayaa hoosta ka xariiqay in dakhliga soo gala dowladda Kenya ay 52% ku bixiso mushaaraadka Shaqaalaha oo ay ku jiraan Macallimiinta wax ka dhiga Iskuullada.

Xogahayaha Guud ee Ururka Maclimiinta Kenya, Wilson Sission ayaa isaguna ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in macalimiinta ay sii wadi doonaan shaqa joojinta oo isbuucii Afaraad galaysa Isniinta Maanta ah.

Dhanka kale, in ka badan 11 Milyan oo Caruur ah ayaa Guryahooda Joogaya oo aan Aadi doonin Iskuullada Waxbarashada inta uu socdo Gadoodka Mushaar ka Cabashada ah ee ay wadaan Macallimiinta Kenya.

Ugu dambeyn, Iskuulada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa dib loo furay, inkastoo Iskuulada Dowladda Albaabbada la isugu dhuftay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya