4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2015
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay inay la Hadlayaan Maamulka Ururka Ahluusnna


Isniin, September 21, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka maamulka KMG-ka ah ee Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi [Carabeey] oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay wadahadallo la furayaan Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee ka taliya Degmada Dhuuso-mareeb.

Carrabey ayaa sheegay in haddii Ahlusunna ay diiddo Wadahadallada ay qaadan doonaan tallaabo ku habboon arrintaas, isagoo xusay in tallaabadoodu aysan noqon doonin dagaal.

“Waxaan doonaynaa inaan wadahadallo nabadeed la furmo Ahlusunna ka Talisa Dhuuso-mareeb, si xiisadaha taagan loo dhameeyo, haddiise ay diidaan nabada iyo wadahadalka, waxaan qaadanaynaa tallaabo arrintaas ku habboon,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Mar la weydiiyay in tallaabada ay qaadanayaan ay tahay dagaal iyo in kale ayuu sheegay in talalaabada ay qaadanayaan aysan ahayn dagaal, balse ay xalka ku raadin doonaan siyaabo oo aanu sharraxaad ka bixin.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ururka Ahlusunna ee Dhuuso-mareeb Cali Baashir oo isaguna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa xuay in dhankooda ay diyaar u yihiin wax walba oo nabadu lagu helayo.

“Anagu Ahlusunna ahaan diyaar ayaan u nahay wax walba oo nabadda lagu helayo, innagu Diyaar uma nin Colaad iyo Dagaallo dambe oo Gobollada Dhexe ka dhaca,” ayuu yiri Cali Baashi.

Hadallada labadan mas’uul ayaa imaanaya iyadoo ciidammo kala taabacsan labada maamul ay Dagaallo ku dhexmareen Degmada Caabdu-waaq ee Gobolak Galguduud, Halkaasoo ay labada dhinaca ku hardamayaan gacan ku haynteeda.

Ugu dambeyn, Maamuladan ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf dhanka maamulka deegaanada Gobollada Dhexe, iyadoo Maamulka Galmudug uu horay heshiis ula galay garab ka mid ah kuwa Ahlusunna Waljamaaca; inkastoo garabka kale uu kasoo horjeestay heshiiskaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya