4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
Gaadiidka AMSIOM oo Madaxtooyada Horteeda ku jiiray Wariye ka tirsanaa Idaacada Ciidamada


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Gaadiidka AMISOM ayaa maanta ku jiiray Afaafka Hore ee Madaxtooyada Somalia Wariye ka Tirsanaa idaacad ku Hadasha Afka Ciidamada Dowladda Somalia oo lagu Magacaabo, C/raxmaan Maxamed Ibraahim (Gacan).

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ku Baaqday in Baartaan lagu sameeyo Shilka Wariyuhu ku dhaawacmay ee uu geystay gaadiidka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Dhaawaca Wariyaha ayaa la dhigay Isbitaalka Daaru Shifa ee Muqdisho; iyadoo dhaawucu u kasoo Gaaray mid ka mid ah labadiisa Lugood, inkastoo la sheegay in Dhaawiciisu uusan ahayn mid daran.

“Waa in baaris deg-deg ah lagu sameeyo Shilka Weriyuhu ku dhaawacmay ee ay geysteen Gaadiidka AMISOM,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim oo intaa raaciyay. “Waxaan Alle uga baryeynaa Wariyaha dhaawacmay Caafimaad Deg-deg ah.”

Xukuumadda Soomaaliya, Taliska Ciidamada Xoogga Dalka iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin dhaawaca Wariyaha kasoo gaaray oo ay geysteen Gaadiid Ciidamada AMISOM ee Somalia ka Hawlgala.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in gaariga jiiray wariyaha uu waayay bareegga, iyadoo markaas kaddibna uu darawalkii waday gaariga ku leexiyay darbiga si uu ugu celiyo, balse Wariyaha oo ku sugnaa darbiga agtiisa uu jiiray.

Ugu dambeyn, Ma ahan Markii ugu Horreysay oo Gaadiidka AMISOM ay Muqdisho ku jiiraan Muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ay jiireen ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, kuwo kalena ay ka bogsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya