4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Maanta booqday saldhiga booliska Beledweyne (Sawirro)


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii aan soo dhaafnay ku sugnaa degmada Beledweyne taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia, Jen. Mukhtaar Xussen Afrax iyo mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ayaa maanta booqday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.

Xildhibaannada ayaa intii ay joogeen Saldhiga Warbixin ka dhageystay saraakiisha Qeybta Booliiska Beledweyne, iyagoo Dhinaca kalana Gaarsiiyay Saldhigga Agab Waxbarasho oo sare loogu qaadayo aqoonta ciidammada.

Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada ee dhinaca maaliyada Bashiir Xuseen Dhoore ayaa sheegay in agabkan waxbarasho ee lagu wareejiyay saraakiisha booliiska degmada uu qeyb ka yahay mashruuc la doonayo in lagu dhiso aqoonta ciidammada qeybta u baahan in laga caawiyo barashada xisaabta qorista iyo aqrita afka Soomaaliga.

Dhinaca kala, Xildhibaannada, taliye ku-xigeenka booliska Somalia iyo mas'uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa socod ku dhaxmaray Qaybo ka mid ah Magaalada Baladweyne, iyagaoo waliba Goobaha lagu Shaaho kula Sheekeystay Dadkii Shacabka ahaa ee waqtigaa ku sugnaa.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada booqday Saldhigga Booliiska Magaalada Baladweyne ayaa waxay ka mid ahaa Xildhibaan; Daahir Amiin Jeesow iyo xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya