4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
Hay’ada Maxaliga ah ee Rajo-qab oo dad naafo ah u Qaybisay Kuraasta Curyaamiinta (SAWIRRO)


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Hay’adda Waddaniga ah ee RAJO-QAB ayaa maanta ugu Qaybisay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Kuraasta ay Curyaamiintu ku socdaan Naafo tiradoodu ahayd 38 oo isugu jiray Rag iyo Haween kuwaasoo Dhamaantood naafo ahaa.

Naafadan loo Qaybinay kuraasta lagu socdo ayaa waxaa laga kala keenay xaafado ka tirsan Baydhabo iyo Deegaanno kale oo Gobolka Bay ka Tirsan, Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Qaybinta Kuraastan loosoo Wakiishay.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Hay’adda Rajo-Qab ayaa sheegay in Kuraastan uu soo dhiibay Maxamed Abshir oo ah wiil Soomaaliyeed oo naafo ah oo ku nool dalka Mareykanka, kaas oo ay sheegeen inuu dareemay Dhibaatada ay Curyaannimadu leedahay.

“Runtii Waxaan is-leennahay Curyaamiintu waa kuwo fara badan, balse wixii aan Awoodi karno ayaan sameynaynaa; Qalabkaan Waxaa ku Deeqay Maxamed Abshir oo isaguba ah naafo, wuxuuna idinka codsanayaa inaad ALLE u baridaan oo aad u duceysaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda Rajo-qab.

Mas’uul kale oo isna goobta ka hadlay ayaa isna yiri. “Waxaan Caddeynayaa in 38 kursi oo kuwa curyaamiintu ku socdaan ah aan gaarsiinnay dadka naafada ah ee ku nool Magaalada Baydhabo. Waxaana Ruux walba oo Soomaali ah aan ka Codsanaynaa inuu sidan oo kale u caawiyo dadka naafada ah.”

“Walaalayaal waxaan idin ka codsanaynaa inaad u soo gurmataan dadkaan Naafada ah sida Maxamed Abshir oo curyaan ah uu ugu soo gurmaday, Waayo ruux Walba oo Caawiya qof Miskiin ah ALLE Agtiisa wuxuu ka helayaa ajar fara badan ,” ayuu yiri Mas’uul kale oo ka hadlay halka curyaamiintan loogu Qaybiyay Kuraasta.

Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Bay ee dhinaca Samafalka, Cumar Maxamed Xasan oo isaguna ka hadlay Goobta ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dunida ay sida uu Maxamed Abshir uga Damqaday Dhibaatada haysata Curyaamiinta ku nool Somalia ay iyaguna uga damqadaan una soo Gurmadaan.

“Qof walba oo Somalia ah meel walba oo uu joogo; Waxaan halkan uga jeedinayaa inay u soo Gurmadaan Naafada ku nool Somalia, maadaama Maxamed Abshir oo isaguba curyaan ah uu ugu soo gurmaday,” ayuu yiri Cumar Maxamed.

Ugu dambeyn, Naafadii Nasiibka u yeelatay in Kuraasta ay Curyaamiinta ku socdaan lagu guddoonsiiyo Baydhabo ayaa dhankooda ka mahad-celiyay deeqda kaga timid Walaalkood Maxamed Abshir, iyagoo EEBBE ugu baryay in uu Kaalmadiisa ugu bedelo Wax ka khayr badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya