4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
SIILAANYO oo Maanta Dhagax-dhigay Mashruuc lagu Ballaadhinayo Biyaha Hargeysa (SAWIRRO)


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa Maanta Dhagax-dhigay Mashruuca biyo-balaadhinta ee ka socda Waqooyiga Magaalada Hargeysa ee Deegaanka Biyo-Shiinaha.

Axmed Siilaanyo ayaa Kormeeray sida biyo-galinta Magaalada Hargeysa loo wado; taasoo lagu soo kordhiyey Tuubooyin kale oo magaalada biyo keenna si looga baxo biyo yaraanta ka jirta Hargeysa.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxa ku wehelinayey  xubno golihiisa wasiiradda ah, Xildhibaanno, Maayirka Hargeysa , Maareeyaha  Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Xubno ka Socday Hay’addaha UN-ka, gaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.

Madaxweynuhu markii uu kormeerka soo dhamaystay waxa uu ka qaybgalaly munaasibada lagu shaacinyey bilowga mashruucan biyo balaadhinta oo ka dhacday Hoteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana halkaas isugu yimid marti-sharaf iyo hay’adaha Somaliland ka caawinaya Mashruucan.

Siilaanyo wuxuu u mahad-naqday Hay’adihii iyo Dawladihii ka Caawinayey Mashruucaan biyo-balaadhinta Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay sanduuqa horumarinta Somaliland ee Britain, Denmark, Norway iyo Netherlands.

“Dawladeydu, Waxay isku hawshay sidii Dalkaan uu u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu maanta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa 50-Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Isagoo intaas raaciyay “Waxaa kaloo jira Mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay Maal-gelisay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaato, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Caasimadda Hargeysa laga bogsan doono”.

Sidoo kale, Waxaa isna halkaas ka hadlay Maareeyaha Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka warbixiyay taariikhdii Wakaaladda biyaha Hargeysa iyo bilowga mashruucan biyo-balaadhinta caasimadda oo uu sheegay inay kulammo badan oo ay beesha caalamka la galleen uu yimid mashruucan hada bilaabmaya.

Ugu dambeyn, Waxaa iyagana Halkaas ka Hadlay Maayarka Caasimadda Somaliland iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha oo Hay’adihii ka Caawiyay mashruucan u mahad-naqay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland