4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
BULSHADA RAYIDKA: Innagu Qayb kama nihin Shirka Wada-tashiga ah ee ka socda Muqdisho

/images/gallery/2015322635626326972862702DSC06683.jpg
Axad, September 20, 2015 (HOL) — Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay maanta in marnaba aysan taageeri doonin Qodobada kasoo baxa shirka ka socda Muqdisho ee looga hadlayo Doorashada Somalia iyo Giigsiga 2016-ka.

Guddoomiyaha Jilayaasha aan dowliga ahayn, C/llaahi Maxamed Shirwac oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in shirkan aysan Qayb ka ahayn Bulshada Rayidka, isla markaana aan lagu Casuumin, isagoo Wel-wel ay ka Muujiyay in Madaxda ay Go’aan soo saaraan kulanka u socda kaddibna la sharciyeeyo.

“Waxaan walaac xooggan ka qabnaa in madaxda inta ay isku tagaan ay go’aanno u gaar ah ay soo saaraan lana sharciyeeyo. Waxaan la ogeyn oo sharciga Baal-marsan in lasoo saaro qodobbo lagu kala aragti-duwan yahay,” ayuu yiri Shirwac.

Sidoo kale, C/llaahi Shirwac wuxuu sheegay in shirkaas aan lagu soo wargelin xilli markii uu shalay furmay Shirka lagu sheegay in ururrrada Bulshada Rayidka ee Somalia iyo sidoo kale Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed laga Qayb-gelinayo shirka si ay waxa kasoo baxa u noqdaan kuwo ay leeyihiin Soomaalida.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu Shirwac ku boorriyay inay ka fiirsadaan go’aan walba oo kasoo baxa shirka, isla markaana ay eegaan wixii shacabka Soomaaliyeed ku Qanacsan yihiin.

Ugu dambeyn, Shirwac ayaa ku taliyay in wax walba oo looga hadlayo Aayaha Somalia uu noqdo mid ay ka Qayb-galayaan Qaybaha bulshada Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ahna looga baahan yahay inay Hogaamiso Shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka ayaa Waxaa maanta Hareeyay Muranno ay ka mid yihiin in Puntland ay isaga baxday shirka, kaddib markii ay biyo-diidday in shirka uu ka Qayb-galo Madaxweynaha Galmudug oo ay Puntland horay u diidday inay Aqoonsato Maamulkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya