4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
Maamulka G/Banaadir oo Mamnuucay in Boorar lagu xiro Waddooyinka iyo Laamiyada la Jeexayo


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta shaaciyay in Waddooyinka Waaweyn ee Muqdisho aan lagu xiri karin boorarka Maryaha ah ee ay ku qoran yihiin Erayada Ciidda lagu soo dDhaweynayo, iyagoo xusay in ciddii lagu arko, laga qaadi doono tallaabo sharaciga Waafaqsan.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la Hadlayay Warbaahinta ayaa Sheegay in maamulka uu Mamnuucay in Waddooyinka Waa-weyn lagu xiro Boorarka laga sameeyay maryaha oo inta badan xilliyada Ciidaha lagu Dhajiyo Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho Shirkadaha Gaarka loo leeyahay.

“Waddooyinka Muqdisho laguma arki karo boorarka ka sameysan Maryaha ee lagu xiro xilliyada ciidaha oo kela ah, iyadoo xilligan ay nagu soo fool leedahay Ciiddii weynayd ee Ciidul-Adxa,” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale la mamanuucay in Lo’da oo uu xusay inay nadaafad-darrada horsed u tahay. Wuxuu kaloo xusay in laamiyada aan la jeexi karin, iyadoo aan warqad ogolaasho ah kaga lahaysan Maamulka.

“Qodobbadan aan sheegayo waa kuwo muhiim ah, waxaana shacabka Muqdisho ku nool uga digaynaa inay sameeyaan, ciddii lagu helana waxaa sharciga ayaa lala tiigsan doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka Maamulka Gobolka.

Dhanka kale, Afhayeenku Wuxuu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Xilli Hore Hirgeliyay Xarunta baadi-qabadka, taasoo lagu xareynayo xoolihii lagu arko caasimadda, xaruntaasna ay howsheedii billaabayso.

Ugu dambeyn, Xalane ayaa Tilmaamay in maamulka Gobolka uu u taagan yahay sidii uu dib u soo celin lahaa bilicdii ay Caasimaddu lahayd, isla markaana aysan ogolaanayn wax kasta oo bilicd Caasimadda wax u dhimaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya