4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2015
Safiirka Somalia ee Wadanka Koonfur Afrika oo loo sameeyay xaflad soo dhaweyn ah (SAWIRRO)


Axad, September 20, 2015 (HOL) — Munaasabada soo dhaweyn ahayd ayaa loo sameeyay danjiraha cusub ee Somalia ay u magacowday Koonfur Afrika, Jamaal Maxamed Barroow, taasoo ay ka Qaybgaleen Jaaliyadda Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan sida; Aqoon-yahannada, Culummaa’uddiin, odayada dhaqanka, ganacsada, haweenka iyo dhallinyarada.

Xafladdan ayaa waxaa khudbado kooban soo a jeediyay asoo jeediyeen xubno matalayay Qaybihii Xafladda kasoo qaybgalay; kuwaasoo soo dhaweyn weyn u muujiyay Danjire Jamaal Barrow; ugana warbixiyay xaaladaha nololeed ee ay ku nool yihiin Soomaalida ku sugan Koonfur Afrika, iyagoo u sheegay inay jaaliyadu qabto dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira xagga Sharciga, ganacsiga iyo hawl-maalmeedyada ay ku leeyihiin Koonfur Afrika.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Maxamed Cali Mire oo isagu ahaa Sii-hayihii Xilka Safaaradda Tan iyo intii uu Geeriyooday Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika marxuum Sayid Shariif ayaa ugu horreyn ka codsaday Jaaliyadda inay u Hamblyeeyaan Safiirkooda Cusub, kalana shaqeeyaan sidii uu u gudan lahaa Shaqadiisa, una dhawri lahaayeen jiritaanka Safaaradda, kana hortagaan Ajaanibta badan ee Dalkaan ku jooga magaca Soomaaliyeed ee Sharaf dilaya karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Danjire, Jamaal Barroow oo isagna ka hadlayay xafladda lagu soo dhaweenayay Xilkiiisa cusub iyo imaanshihiisa ayaa ugu u mahad-celiyay maamulkii howsha sii waday, isagoo u ballan-qaaday inuu u kordhin doono mas'uuliyadooda iyo shaqadooda, wuxuu tilmaamay in safaaraddu howlo badan u qaban doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, Hiigsiga Safaaradda ee 2016-kana uu yahay Hanashada Xiriirka labada waddan iyo lahaan-shaha dhismaha iyo dhulka safaaradda, Sharciyada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku joogaan waddanka wax laga qaban doono, taasna lagu gaari doono in jaaliyadu garab-is-taagto Hawl-wadeenada Safaaradda.

Ugu dambeyn, kulankan oo ahaa kulan ay kasoo wada qeyb galeen xubno kala matalayay Gudiyada Jaaliyadaha ka Dhisan Sagaalka Gobol ee Dalka Koonfur Afrika uu ka kooban yahay ayaa kusoo Gabagaboobay jawi farxadeed iyo iyadoo dadkii xafladda goobjoogga ka ay si aad ah ugu riyaaqeen hadalka danjiraha.

Mahad Maxamed Sheekh [Istiila]
[email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika